Hargeysa(WJN)-Wafti ka kooban Wasiiro ka socda Ismaamulka Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya ee kililka Shanaad ayaa soo gaadhey Caasmada Hargeysa kadib markii ay soo ajiibeen
Hargeysa(WJN)-Wafti ka kooban Wasiiro ka socda Ismaamulka Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya ee kililka Shanaad ayaa soo gaadhey Caasmada Hargeysa kadib markii ay soo ajiibeen martiqaad looga Fidiyay Dhinaca Somaliland oo ay kaga jawaabayeen Waftigii Wasiirada Somaliland ee kala Qeyb galey Salaadii Ciidal-Fidrida Magaalada Jigjiga ee Xarunta Kiilka Shanaad.
Waftigan Wasiirada ah ee Somaliland kasoo boqqdey Dhinaca kililka Shanaad ayaa lagu wadaa inay dalka joogayaan ilaa Ciidal-carafa, Waxaana soo dhaweyntooda hormood ka ah Wasiirka Wasaarada Warfaafinta Somaliland C/laahi Maxamed Daahir(Cakuse), oo kaga hor tagey dhinaca Magaalada Tog-Wajaale ee kutaala Xuduuda u dhexeysa Itoobiya iyo Somaliland halkaas oo ay Waftiga Wasiirada kililka Shanaad uga soo gudbiyeen dhinaca Caasimada Hargeysa isaga iyo Wasiirka Wasaarada Beeraha Somaliland Faarax Cilmi Geedoole.
Waa markii ugu horeysay ee tan iyo intii ka dambeysay Isbadelka kala Wareegii labada Madexweyne ee ku kala Guuleystey Doorashadii So,maliland uu wafti noocan oo kale ahi ka yimaado Dhinaca kililka Shanaad ee Ismaamulka Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya, iyadoo xidhiidhkan cusub ay alifeen Wasiirka Warfaafinta iyo masuuliyiin kale.
WAJAALE NEWS DESK
Wajaale Office