WAJAALE NEWS

Safiirka Cusub Ee Somaliya u Soo Magacawday Dalka Beljemka Iyo E.U. Danjire Dr.Cali Siciid Faqi oo Lagu Wareejiyay Gurigii Safaarada Somalida Ee Beljemka

Muqdisho(Wajaale News)-Waxaa Maanta La Wareegay Xilkii Safaaradda Somalia Ee Belgiumka iyo E.U.Safiirka Cusub Dr Cali Siciid Faqi Iyo Xoghayaha 1aad Ee Cusub Ee Safaaradda Loo Soo Magacaabay, Eng Belian Mohamed Mohamud  ( Belian Timacade Labadaan masu´ul Ayaa La Filaya In Ay Wax Ka Badalaan,

isla Markaana  Dar Dar Geliyaan,Xiriirka Ay Dowladda Federalka Somaliyeed La Leedahay Wadamad Reer Galbeedka, Sidoo Kale Waxay Jaaliyadda Somaliyeed Ee Ku Nool Wadamada  Beljimka , Nederland , Luxamberg Ugu Baaqeen Wada Shaqeyn.

Labadaan Masu´ul oo Ah Aqoon Yahanno Ka Soo Jeeeda Qurba Joogta Somaliyeed Ayaa Ku Ballan Qaaday In Ay Wax Ka Badalaan Hanaanka Siyaasadda Iyo Dublomaasiyadda Dowladda Federalka Somaaliyeed,Waana Talaabo Si Weyn Loogu Baahnay oo Ay Dowlada Somaaliyeed Ku Dhaqaaqday,Maadaama Laga Baxay Xiligii Ku Meel Gaarnimada Kaas oo Dib u Dhigay Ama Iska Hortaagay In Somaaliya Ay Wax La Qeybsato Asaageeda,Sida Aanu La Socono Waxaa Maanta Qaarada Yurub Ku Nool Maati Badan oo Soomaaliyeed Kuwaas Aan Markoodii Hore Haysan Hadii Dhibaato Soo Gaarto Cidii u Soo Dhicin Lahayd Xaqooda,Waana Ilaah Mahadii Hadii Safiirkii Iyo Xoghayihii Kowaad Ay Maanta Safaaradii Ka Fureen Beljemka.

Wajaale News

Hargeysa Office

wajalenews@gmail.com

Exit mobile version