WAJAALE NEWS

Wasiirkii Hore Ee Arrimaha Gudaha Maxamed Nuur Caraale Duur Oo Khashifay Siro Badan Oo Ku Huursana Sheegayna Ciddii Bixisay Amarkii Ciidamadda RRU-da Ee Xaafadda Axmed Dhagax Iyo Isago Sheegay In Madaxwayne Siiranyo Wadanka Ka Talin

duur caraaleHargeysa (Wajaale News)– Wasiirkii hore ee wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland Maxamed Nuur Caraale Duur ayaa khashifay siro badan oo ku huursan qasriga madaxtooyada Somaliland iyo xukuumadda madaxweyne Siilaanyo, Mr. Duur wuxuu sidoo kale daaha ka fayday sababtii keentay in isaga xilka laga qaado, iyo weliba mu’aamaraadyo uu sheegay in loo maleegay muddadii uu xilka hayey.
Maxamed Nuur Caraale Duur Wasiirkii hore ee arrimaha gudaha Somaliland
Wasiir Duur oo dhawaan mar uu booqasho ku joogay dalka Emirateka carabta u waramaayey qayb ka mid ah jaaliyadda Somaliland ee dalkaasi Emirateka, ayaa shaaca ka qaaday in madaxweyne Siilaanyo aanu xaalad caafimaad darteed aanu awood u helin inuu dhammaanba dalka wada maamulo, isla markaana taasi ay keentay in xubno ku dhaw isaga oo uu hormood u yahay wasiirka madaxtooyada Xirsi Cali Xasan ay awoodda dalka gacanta ku hayaan.
Wasiir Duur wuxuu shaaca ka qaaday in muddo 16 bilood ah oo uu xilka wasaaradda arrimaha gudaha uu hayey uu keliya xilka u hayey magac u yaal, balse aanu lahayn awooddii dastuuriga ahayd ee wasiirka arrimaha gudahu lahaa, wuxuu sheegay Mr. Duur in laga qaaday awooddii maamulista amar bixinta ciidamadda amniga qarranka, wuxuuna shaaca ka qaaday in ciidamada Booliiska, RRU-da iyo sirdoonku ay toos u hoos tagaan wasiirka madaxtooyada Xirsi Cali Xasan.
Mr. Duur wuxuu sheegay in muddadii uu xilka hayey ay yarayd inta jeer ee uu la kulmay madaxweyne Siilaanyo, isla markaana uu ku tirin karo wax aan ka badnayn shan jeer, oo inta jeer ee uu la kulmayna aanu kelidii la kulmin ee kulankaasi uu ku wehelinaayey wasiirkiisa madaxtooyada.
Mr. Duur wuxuu sheegay in madaxweyne Siilaanyo habeen habeenada ka mid ah u sheegay in wixii uu isaga uga baahdo uu kala hadlo wasiirka madaxtooyada Xirsi Cali Xasan, wuxuuna sheegay in xidhiidhka isaga iyo wasiir Xirsi uu xumaaday, isla markaana gaadhay heer lagu furo dalka xaalado ammaan oo uu sheegay in wasiir Xirsi uu sabab u ahaa.
Maxamed Nuur Caraale Duur wuxuu sheegay in markii uu soo xaliyey khilaafkii gobolka Sanaag gaar ahaana degmada Ceerigaabo ee sababay in dad salaad ciid tukanaya lagu dilo, kaasi oo ka dhex dhaliyey xiisad beelaha wada dega deegaankaasi, wixii intaa ka danbeeyey uu wasiir Xirsi bilaabay qorshe kasta oo isaga xilka lagaga xayuubinayo.
Mr. Duur wuxuu sheegay in khilaafkii gobolada galbeedka Somaliland gaar ahaana degmada Saylac markasta oo uu xalkeeda soo dhaweeyo uu wasiirka madaxtooyadu si qarsoodi ah ugu diri jiray deegaankaasi odayaal isla markaana uu u hurin jiray khilaaf.
Wasiir Duur wuxuu sheegay in xaaladda caafimaad ee madaxweyne Siilaanyo aanay ahayn mid u saamaxaysa inuu dalka ka wada taliyo, isla markaana taasi ay ka faa’iidaysteen xubno qoyskiisa ah iyo wasiirka madaxtooyada Xirsi Cali Xasan oo ay aamineen.
Wasiir Duur wuxuu sheegay in wasiirka madaxtooyada Xirsi Cali Xasan uu habeenadda qaarkood u dhaxo xarunta madaxtooyada, halkaasi oo kaga war hayo madaxweyne Siilaanyo.
Wasiirkii hore ee arrimaha gudaha Somaliland Maxamed Nuur Caraale Duur wuxuu sheegay in 26 November 2012 kii markii lagu dhawaaqay natiijaddii doorashada golaha deegaanka Somaliland, isla markaana rabshadahu ka bilaabmeen degmada Axmed Dhagax ee caasimadda Hargeysa, uu isagu soo jeediyey in doorashada natiijadeeda dib loo dhigo, intaan lagu dhawaaqina hogaamiyayaashii ururadda lala hadlo, balse ayuu yidhi Wasiir Xirsi iyo xubno kale oo uu ka xusay wasiirka duulista Hawadu ay ku qasbeen koomiishanka doorashooyinka qarranku inay natiijadda ku dhawaaqaan.
Wasiir Duur wuxuu sheegay in habeenka rabshadahu ka dhacayeen xaafadda Axmed Dhagax uu ku sugna gudaha madaxtooyada isla markaana uu sugaayey inuu la kulmo madaxweyne Siilaanyo, markii uu maqlay in ciidamo RRU-da ka tirsani ay rasaas ku fureen dadkii banaanbaxaayey, wuxuuna sheegay inaanu war iyo wacaal ka haynin goorti ciidamadaasi la diray, wuxuuna sheegay inuu markii danbe ogaaday in Wasiir Xirsi isagu uu amarka bixiyey.
Wasiir Duur oo la kaftaamayey dadka uu la hadlaayey ayaa sheegay in muddada uu xilka hayey uu keliya ku joogay Marwada madaxweynaha Aamina Weris oo isaga Marwada u dhaxday ay ehel yahiin, balse mar hore xilka laga qaadi lahaa, wuxuu sheegay in la mu’aamaradeeyey isla markaana maalmahii ugu danbeeyey uu noqday qof shacab ah oo aan waxba la iskaga tirin.

Wajaale News
Hargaysa Office
Please Contact wajalenews@gmail.com

Exit mobile version