WAJAALE NEWS

Warsaxaafadeed; Hada Kasoo Baxay Xafiiska Telefishanka Qaranka Somaliland Xaruntiisa LONDON UK Iyo Fariinta Uu Xanbaarsan Yahay,

Warsaxaafadeed Xafiiska Telefishanka qaranka Somaliland Xaruntiisa LONDON UK.

Marka hore Hanbalyo dhamaan shacabka somaliland munaasibada xuska 18may maalinta qaranimda Somaliland hanbalyo iyo boogadin kabacdi,waxaa dib uhabeyn iyo isbedal balaadhan wasaaradu ku sumeeysey qaab dhismeedkii hawlaha waraabinta qaranka ee dibeda taaso xaruntii warabahinta qaranka ee dibeda laysugu keeney Dalka Uk gaar ahaan magalada LONDON.

Hadaba waxaan halkan ku faahfaahineynaa habka cusub ee Jaliyadaha Somaliland ee ku dhaqan dibaduhu ula shaqayn doonan warbahinta qaranka gaar ahaan Telefishanka qaranka xaruntiisa Magalada LONDON.

1- Waxaa jaliyadaha Somaliland ee dibadaha  waajib ku aha iney soo diyaariyaan muuqalada kulamada iyo barnaamujyada ay doonayaan in uu ka baxo tv-ga qaranka oo ay iyagu soo duubaan isla markaana usoo gubiyaan Tv-ga qaranka xaruntiisa London.

2- in Barnaamujyada iyo wararka tv-ga qaranka ka baxaya ee ay jaliyaduhu soo gudbiyaan ay ku saleysnaadan waxqabad buuxa oo ku jeeda horumarka Somaliland.

3- In Barnaamujyada Arimaha samafalku ay noqon doonan kuwa leh ahmiyada Kowaad ee tv-ga qaranka somaliland xaruntiisa dibeda marwalba ugu hor marin doono.

qudobada kor ku xusan ayaa noqon doona kuwo aad fafahintooda kala soo xidhiidhi karto masuliyinta tv-ga qaranka xaruntiisa london

Tel 44 208 7494125612

e-mail somalilandmaanta1@gmail.com                                                     

 adress Crown hous LONDON UK.

Madaxa Tv-ga Qaranka Ee Dibeda

Wariye Abdikarim Muse Abdi (Dalmar).

 

Exit mobile version