WAJAALE NEWS

Wasiirka Wasaarada Dhalinyarada Iyo Ciyaaraha Somaliland Oo Maanta Furay Kulan Hawleed Ku Saabsan Siyaasada Dhalinyarada.

Wasiirka Wasaarada Dhalinyarada Iyo Ciyaaraha Somaliland Oo Maanta Furay Kulan Hawleed Ku Saabsan Siyaasada Dhalinyarada.

Hargaysa(WJN):-Wasaarada dhalinyarada iyo ciyaaraha iyo dalada dhaliyarada somaliland ee sonyo ayaa maanta kulan hawleed socnaya mudo laba cisho uqabtay dhaliyarada reer somaliland sidii qorshe muuqada loogu samayn lahaa.

 

Kulanka ayaa waxa kasoo qayb galay wasiirka wasaarada dhaliyarada iyo ciyaaraha somaliland mudane cali siciid raygal,agaasimaha dhaliyarada iyo ciyaaraha,guddomiyaha dalada dhaliyarada somaliland ee sonyo,masuul sare oo ka socday haa?yadda unicef iyo dhaliyarada ka qayb qaadanaysa kulan hawleedka.

Ugu hore kulanka ayaa waxa furay wasiirka wasaarada dhaliyarada iyo ciyaaraha somaliland cali siciid raygal waxaan uu yidhi?farxada ayey unoo tahay dhamaanteen inaanu kasoo qayb galno meel lagaga hadlayo siyaasadii dhaliyarada ee golaha wasiiradu ansixiyeen waxa loogu talo galay dhaliyarada somaliland meel kasta ha jogeene in lagu hago,arintaas markii loo fikiray waxa ay ahayd runtii arin aad iyo aad uqiimo badan oo ahmiyada wayn ku fadhida oo dhaliyarada reer somaliland meel wayn ugu jirtay ayey noqotay,waxaan umalaynayaa inaad akhrisateen buuga siyaasada meel waxa lagag dhaafay ma jiraan.

 

waxa uu daryeelayaa waxa uu ilaalinayaa waxa uu jihaynayaa waxa uu xuquuqdooda tilmaamayaa dhaliyarada reer somaliland,kolay buugan waa la faafiyey nuqulo badanina way baxeen sidaas awgeed dhaliyarada reer somaliland waa ay badan yihiin,gobolada dalka inaanu wali si mugleh ugaadhin.

 

Wasiirak wasaarada dhalinyarada iyo ciyaaraha somaliland oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu intaasi ku daray?siyaasada dhaliyarada waxa loo sameeyey in dhalinyarad reer somaliland oo ay waxa ka alifaan oo ay horumarkii wadanka iyo wixii la qaban lahaa ay halkaas ka wadaan,waxaan ku rajo waynahay in ay maanta halkan ay kasoo bixi doonaa waxa lagu farxo oo lagu talaabsado oo dhaxal gal noqda.

 

Wasiirka waxa kale uu mahad naq balaadhan usoo jeediyey haa?yadda Unicef waxaana uu yidhi?waxaan aad iyo aad umahad naqayaa haa?yadda Unicef oo ah haa?yadda kaliya ee sida gaarka ah utageera horumarka dhaliyarada markastana garab taagan dhaliyarada reer somaliland.

 

Waxa isna halkaasi ka hadlay guddomiyaha Dalada Dhalinyarada somaliland ee Sonyo Mubaariga Ismaaciil Taani waxaana uu yidhi?kulan kani waxa uu si gaar ah utaabanayaa baahiyaha dhalinyarada reer somaliland waxa mudoba taalay oo jirta siyaasada horumarinta dhaliyarada qaranka somaliland oo Ay iska kaashadeen wasaarada dhalinyarada iyo ciyaaraha iyo dalada sonyo iyo Unicef maanta waxa aynu ufadhinaa in aynu dib u eegno siyaasada qaran ee dhalinyarada reer somaliland am ficil hawleed qorshaysan oo mud badan isasoo daboyaalay.

 

Guddomiyaha dalada dhaliyarada oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu intaasi ku daray?waxa aynu jecelnahay ka qayb gal maaha waa lafo gur iyo shaandhayn aynu kusamayn doono siyaasadii dhalinyradii qaranka iyo qorshaha sid aynu ugu dajin karno.

 

Sidoo kale waxa isna halkaasi ka hadlay xuseen cismaan xuseen oo ah madaxa dhalinyarada iyo caruurta ee haa?yadda Unicef waxaan uu yidhi?siyaasada dhalinyarada reer somaliland runtii waa siyaasada iyo dariiq loo jeexay sanadkii 206dii hawshaasina waxa ay ka timi wada tashi loo qabtay dhalinyarada reer somaliland gaaro ahaan 6dii gobol ee ugu waawayn somaliland.

Markaas siyaasada dhalinyarada run ahaantii waxa la asixiyey sanadkii 2011kii markaas mudo badan ayey nagu qaadatay si aanu ufulino inkasta oo ay mudo badan nagu qaadatay xageena iyo xaga wasaarada ahaanba iyo xag dhalinyaro ahaanba.

 

 

WAJAALE NEWS OFFICE  HARGEISA

CONTACT US : Wajalenews@gmail.com

 

 

Exit mobile version