WAJAALE NEWS

Wasiirka Duulista Iyo Hawada Somaliland Oo Ku Hanjabay Colaad Ka Dhalan Karta Hawada Somaliland Iyo Somaliya Ee Ay Dawlada Muqdisho Sheegtay In Ay Ha`adda Ku Wareejinayso.

wasiirkaduulista iyo hawadaHargeysa(Wajaale News)-Duulista iyo hawada Somaliland Md. Maxamuud Xaashi Cabdi  ayaa ku Hanjabay  in Qalalaase iyo Nabadgelyo daro  ay  ka dhicidoonto hawada Labada dal ee Somaliland iyo Somaliya, ee dhawaan Dawlada Somaliya aya sheegtay in hawadii Wixii laysku odhan jiray Somaliya ay Qaramadamidoobay ay ku wareejinayaan Sanadka Cusub ee soo socda,  isaga oo si gaar ah wasiirku farta ugu fiiqay Qaramadamidoobay oo illaa iyo 1994 Hawada wixii lasyku odhan jiray Somaliya maamuli jirtay xaruntooduna ay  ahayd Nayroobi.

Wasiirku Waxa uu sidaasi ku sheegay Shirjaraa’id oo uu ku qabtay goordhaweyd Xafiiskiisa Magaalada Hargeysa.

Wasiirka oo Arrintaasi ka hadlaya wax auu yidhi. “Qaranka Somaliland waxa uu uga digayaa walaalayada Somaliya iyo Beesha Caalamka cawaaqib xumada ka dhalan karta  iskaga gooshka iyo mushaaxida iyo ka ganacsiga hawadii la odhan jiray Somaliya, oo qalaalaase uu ku soo  kordhi doono  oo Xasilooni darro ku soo kordhIdoonto,  oo waliba nabadgelyo daaro dhicidoonto, hawadu waa arrin xaasasi ah mana gasho isku qabqabsi, haddii loo turdhi waayo waxa run noqon doonta in aanan u tudhidoonin, hadalkan aan idinkula hadlayaa ma ah mid lab lakac ee waa Qorshe ay xukumada Somaliland gaadhay.”Ayuu yidhi.

Waxa kale oo intaasi ku daray “Anaku waxaanu nahay Bulsho Bisil Khasaaro yaqaan ah, oo ka soo doogtay dhibaato badan, nabadana taqaana colaadana taqaana,  waxaanu naqaana raggu wuxu gallo iyo wuxu guddo, heshiisayadanu naqaana iyo Ixtiraamkooda, waxa  anaga ka xukuumad ahaan naga  go’an  in wixii heeshiis ah ixrimaano, waxaanu maqlaynaa oo aan ku tidhi kuteen ahayn basle  tixraaceyna, wasiirka somaliya u qaabilsan Duulista iyo hawada oo ka soo noqday dalka Canada, oo shirjaraa’id ku qabtay Magaalada Muqdisho isaga oo sheegay dhammaan hawadii Somaliya qaramadamidoobay in ay ku wareejiyeen, lagana maamuli doono muqdisho hawada wixii Somaliya lasyku odhan jiray, taasina ma ah mid shacabka Somaliland yeelayo iyo Dawladuba.”Ayuu yidhi.

Intaasi wasiirku wax auu ku daray. “Waxa halkan aan ka cadeynayaa aniga oo ku hadlaya afka xukumada Somaliland iyo ka shacbigayagaba Somaliland  in aanay marnaba aqbalidoonin, in hawadooda laga maamulo muqdisho, qaranamada midoobayna ka yeelimayno cid kalena ka yeelimayno in hawadii somaliya wixii la odhan jiray loo maamulo si ka duwan siddii aanu ku heshiinay, waxaanu rumaysanaha in hadaladaasi yihiin wax layska yidhi, haddii ninkaasi wasiirka hadalka ka soo baxay ay dawladiisu ku raacsan tahay, in ay burinayaan heshiiskii balantii ay  ka baxeen, marka Somaliland yeelimayso in hawadeeda Xamar laga maamulo cid gaar ahi maamulato.”Ayuu yidhi.

Wajaale News
Hargeysa Office
Info:wajalenews@gmail.com

Exit mobile version