WAJAALE NEWS

Wasiir ka tirsan xukumada Siilanyo iyo Agaasime Guud oo isku wasaarada oo dagaal gacan ka hadali dhexmaray,dhaawacyana isgaadhsiiyey!

Wasiir ka tirsan xukumada Siilanyo iyo Agaasime Guud oo isku wasaarada oo dagaal gacan ka hadali dhexmaray,dhaawacyana isgaadhsiiyey!.

Hargeisa-(Wajaale-news)-Wasiirka wasaarada cadaalada Somaliland Xuseen Axmed Caydiid iyo Agaasimaha Guud ee isla wasaaradaas Abiib Axmed Cali ayaa la sheegay in dagaal gacan ka hadal ahi ku dhexmaray xafiiska wasiirka saaka markii khilaaf ka dhex qarxay.

Labada masuul ayaa la sheegay inay dhaawacyo iyo jugo hoose isgaadhsiiyeen inkastoo korkooda laftiisana dhaawacyo fududi ka muuqdeen.

Dagaalkooda ka sakow,xoggo aanu ka helay hawl wadeeno ka tirsan wasaarada Cadaalada ayaa tibaaxaya in Wasiirku shaqadii si ku meelgaadha uga joojiyey Agaasimaha Guud Abiib Axmed Cali.

Khilaafka iyo muranka gacan ka hadalku ka dhashay ee dhexmaray Wasiirka iyo Agaasimaha Guud ayaa la sheegay inuu la xidhiidho Foojaro la saxeexay oo ka baxay wasaaraada oo ay ku murmeen kooda awooda u leh saxeexidooda.

Arintu si kasta ha u murugsanaatee Waxaa iska dhaqan ama caado noqotay intii xukumada Siilanyo talada dalka haysay inaan shaqada siyaasada iyo maamulba u kala xadeysnayn masuuliyiinta xilalka sarsare ka haya  Golaha xukumada Siilanyo oo wasaaradaha qaar Agaasimayaasha Guud,wasiir ku xigeenada iyo wasiiradu isku awood yihiin oo aanay is qadarin, isla-markaana madaxweyne Siilanyo magacaabo, xilkana ka qaadi karo,wax wada shaqeyna oo ka dhexeeya qaarkoodna aanu jirin ee masuul waliba keligii toocsado shaqada qaranka oo u wado siday ula muuqato ama jecel yahay.

 

 

WAJAALE NEWS DESK

HARGEISA OFFICE

Exit mobile version