Hargeisa-(Wajaale-news)-Wasiirka wasaarada Diinta iyo Aw-qaafta xukumada Siilanyo Sh.Khaliil Cabdillaahi Axmed ayaa shaqadii ka joojiyey Agaasimaha guud ee wasaaradaa Cabdirashiid Ibraahin.
Wasiir Khaliil ayaa qoraal rasmiya oo uu u qoray Agaasimaha Guud oo Nuqul ka mid ah Qarannews heshay ku wargeliyey inuu shaqada iyo xilkaba ku wareejiyo Agaasimaha maamulka ee wasaarada Awqaafta.
Wasiir Khaliil ayaa shaqo joojinta Agaasimaha guud ku sababeeyay xilgudasho la’aan iyo isagoo tahli kari waayey inuu furdaamiyo murano xagga maaamulka ah oo soo wajahay ama ka dhex istaadhmay shaqaalaha wasaarada Awqaafta.
WAJAALE NEWS DESK
HARGEISA OFFICE