WAJAALE NEWS

Siyaasiyiinta ku- bahoobay Madasha Wadatsahiga oo Shaaciyey in shirkii Aya-ka-tashiga Qaran ee ay ku baaqeen ku wareejiyeen Axsaabta Mucaaradka +Arimo kale.

 

Hargeisa-(Wajaale-news)-Siyaasiyiinta ku bahoobay Madasha wadatashiga iyo Toosinta Somaliland oo shir jaraa’id ku qabtay xafiiskooda Hargeysa Maanta ayaa ku dhawaaqey in shirweynihii ayo-ka-tashiga qaran ee ay ku baaqeen ay si buuxda ugu wareejiyeen Axsaabta mucaaridka ee Ucid iyo Waddani .

Siyaasiyiinta shirkaa jaraa’id qabtay oo ay ka dhex muuqdeen Eng.Maxamed Xaashi Cilmi ,Xasan Ciise jaamac,Xildhibaan Saleebaan Cali Koore  iyo gudoomiyaha madasha Xasan Guure Jaamac ayaa iska daba maray inay shirweynahii ku wareejiyeen qabanqaabadiisa Axsaabta mucaaradka si ay u waafajiyaan Qaanuunka maadaba bay yidhaahdeen sharciga iyo qaanuunka dalku xaq u siiyey Axsaabta inay shirarka noocan oo kale qabtaan,waxayna ka dalbadeen Asxsaabta mucaaradka inay mudeeyaan waqtiga iyo Goobta shirweynaha ayo-ka-tashiga qaran ku haboon in lagu qabto.

Geesta kale waxay siyaasiiynta Madasha wadatashigu ka dalbadeen Xisbul-xaakimka,Barlamaanka iyo Odayaasha Dhaqankaba in loo dhamaado oo ay kala soo qeyb galaan shirweynaha ayakatashiga qaran ee ay ku baaqeen.

Gudoomiyaha Madasha wadatashiga oo Shirkaa jaraaid ka hadlay ayaa sheegay in xukumadaha Caalamku ku dedaalaan inay dadkooda mideeyaan balse xukumadan siilanyo dadka kala gurto oo kala firdhiso,waxaana hadaladii uu yidhi ka mid ahaa “Dawladuhu inta badan waxay ka shaqeeyan sidii dadkooda ay u midayn lahaayeen, lakiin xukumadeena waxay u shaqeeysa sidii lagu kala guuri lahaa, Maalin dhaweyd ayaan waxaan tegey xaflad oo ahaa Xuskii Sooyal, oo dee may ahayn meel lacag laysku siinayey ee waxay ahayd meel faataxada Aamin lawada lahaa, oo lays lahaa dadkii dhintay ee halganka u dhintay iyo xoreynta dalka faataxada haloo maro aamina aynu wada nidhahno, had iyo jeer marka la duceysanayo cid lagu jiraba alla oge aaminta inoo badiya, marka waxaad mooda in dawladeeni Aamintii inoo badiya ay ku badashay aaminta inoo yareeya.” Wuxuu kaloo Xasan Intaas Raaciyey “Marka anigu waxaan isleeyahay mar haddii faataxda aynu wadayeelan waynay qarana malaha wada yeelanmayno, ninka ii diiday in faataxo aanu wadaagno dee Qaran inaan la wadaago ima ogola, qudcurbaanu gudeynay markaanu lahayn aanu wadatashano, marka waxaanu leenahay dawladey sidan aad u wax u wadan xal ma ah ee ah yeynaan Faataxda wadawadaagin, Hadrawi waxa uu yidhi Nin ku yidhi Sinaan Mayno adna buri sareyntiisa, xeerbaa uu Siillanyo Madaxweyne iyo dawlad uu ku yahay, oo dee dastuurku xuquuq ayuu siyey anigana xuquuq ayuu I siiyey, haddii uu tayda diidona anigu yeelimayo tiisa markan dhib ayaa imandoonta, marka dawladu ha ka waantowdo wixii dadka kala kaxaynaya”

Ku darsoo Xasan Ciise Jaamac oo isna ka hadlay shirkaa Jaraaid ayaa sheegay in xukumada Siilanyo mucaaradku u taqaano cadawgeeda balse mucaaradnimada sharaxaad dheer ka bixiyey isagoo ka hadlaaya arintaasna wuxuu yidhi “Xukumadeena Maanta waxaad mooda inay mucaaridnimada u aragto cadaw, lakiin mucaaridnimadu waa qayb ka mid ah siyaasada Dimuqraadiga ah ee Xalaasha ee umadi ay leedahay, waana qayb lama huraan ah sidda qaybta muxaafidku u tahay lama huraan ,ayey iyana  mucaaridka u tahay lama huraan, waxa la odhan jiray mucaaridka iyo muxaafidku waa labada lugood ee qofku wada talaabsado, haddii qofku uu doonayo in uu saani u talaabsado labada lugoodba  wuu u bahan yahay midig iyo bidixba waana iskugu mid, haddii jawigii siyaasada colaadi soo gasho, jawigii ammaan ee dalku khalkhal ayuu galaya ee taa hala ogaado, Maalmo dhaweyd Website-yada Dawlada lagu aamano waxay soo galinayeen Aflagaadooyin iyo  hanjabaado, Hanjabadihii Website-yada way ka soo gudbeen oo suuqa ayey soo gaadheen, waxa Jaraa’idada qaar ka mid ah ku qoran in Faysal Cali Waraabe uu sheegay in Meesha ugu sareysa dawlada looga soo hanjabay, waa hogaamiye mucaarid ah  xalaal ah oo dimuqraadi ah oo dastuuri ah oo sidda Golaah wasiirada ay dastoori u yihiin ayuu isaguna dastuuri uu yahay, Xildhibaan qabile waxaad ogtihiin isaga in ay afkii ay dhaaftayo la rasaaseyey ayuu hadalkiisii ku soo afmeray.

 

 

WAJAALE NEWS DESK

HARGEISA OFFICE

 

Exit mobile version