WAJAALE NEWS

SHIR-JARAA´ID: Sh Siciid Axmed Jaamac Oo Been-abuur Ku Tilmaamay Warar Lagu Baahiyey Mid Ka Mida Baraha Internet-ka Oo Lagu Eedeeyey Inuu Ka Mid Yahay Masuuliyiin Ay Xilal U Magacawday Xarakada Al-Shabaab

OLYMPUS DIGITAL CAMERAHargeysa (Wajaale News):- Qaar ka mid ah Odayaasha iyo waxgaradka beelaha Somalilandayaa beeniyey war ay mid kamid ah baraha internetku ka qoreen Siciid AxmedJaamac oo ah muwaadin reer Somaliland ah, kaasoo lagu sheegay in Al shabaab umagacowday gudoomiyaha Baraawe.
Shirjaraa?id oo odayaashani shalay galab ku qabteen Hotee Shiraacle eemagaaladda Hargeysa ayey sheegeen in muwaadinkaasi lagula kacay fal dil ah,isla markaana war aan jirin laga qoray, sidaa darteed xukuumadda ka codsadayinay arrintaasi wax ka qabato si aanay dadka shacabka ahi iskugu dhicin.

Maamulaha laanta Burco ee shirkadda Afrikan Online Siciid Axmed Jaamac oo ahmuwaadinka beenta laga qoray ayaa sheegay in aanay warkaasi waxba ka jirin,isla markaana sharciga la tiigsan doono cidiii warkaasi qortay.
Wajaale News
Hargeysa Office
Info wajalenews@gmail.com

Exit mobile version