WAJAALE NEWS

Midowga Africa Oo Isku Raacay In Aan La Maxkamadayn Madaxwaynayaasha Qaarada Inta Ay Xukunka Hayaan Daawo

Addis Ababa, (Wajaale News):-Shir Madaxeedkii ururka midowga afrika ugu dhamaaday magaalada Addis ababa ayaa laga soo saaray, qaraar wada jir ururku iskula qaatay, oo ay si cad ugu diidayaan in Madaxweynayaasha Afrikaanka la maxkamadeeyo iyaga oo xukunka waddamadooda haya.
Waxa kale oo Afrikaanku isla qaatay in madaxweynayaasha dalalka Kenya iyo Sudan iyo Madaxweyne Ku xigeenka Kenya, midkoodna aanu hor tagin maxkamada danbiyada dagaalka ee xarunteedu tahay magaalada Hague, taas oo soo saartay samano ka dhan ah madax
afrikaan ah oo kala duwan.
Ugu danbayntii waxa ay madaxda afrikaanku golaha ammaanka ee qaramada midoobay ka dalbadeen inuu soo saaro, go?aan lagu hakinayo maxkamadaynta Madaxweynayaasha Kenya Uhuro Kenyatta, Ku xigeenkiisa, William Ruto, oo loo haysto dhibaatooyinkii dhiiga badani ku daatay ee doorashadii 2007-dii ka dhacday dalka Kenya iyo waliba madaxweynaha dalka Suudaan Cumar Xasan Al Bashiir.

Hargaysa Office
Wajaale News
Info:wajalenews@gmail.com
Repoter:Abdiqadir Abdiraxman Habane

Exit mobile version