Bon(Wajaalenews) Sooyaalka Siyaasadeed ee Gudoomiye Muuse Biixi ayaa ka marag furaya Shanta Dabeecadood ee uu la Wadaago Kalidii Taliyihii Hore Marxuum C/laahi Yuusuf Axmad Iyadoo Shantii Sano ee u danbeeyay Gudoomiye Muuse Biixi Godobo Siyaasadeed oo Caqabad Wayn ku ah Hankiisa Siyaasadeed Saaxada Siyaasada ka galay isagoo Masuul Jecel oo u Hiiliyay u Abaal u gudin mid Tartan la galayna aanu ka Badbaadin waana markii Koowaad ee Sooyaalkiisa Siyaasadeed la Arkay in uu Samir Badan oo aan hore looga baran ku sugay Waqtiga uu dhacayo Shirka Golaha Dhexe ee Xisbiga Kulmiye iyadoo Qormadan aan ku Faah faahin doono Talaabooyinka Guracan ee ay ku dhaqaaqeen taasoo u horseeday in ay Xabsi ka galeen Dal ay magan galyo siyaasadeed ku joogeen Hadii aan hoos ugu dhaadhaco dulucda maqaalkayga aynu Qodob Qodob u dul joogsano.
1: Gudoomiye Muuse Biixi Dabeecada koowaad ee uu la wadaago C/laahi Yuusuf Axmed ayaa lagu Tilmaamaa Amar Qaadasho La’aan aanu u Hogaansamin Amarada kaga yimaada Masuulka ka sareeya Waxaanu Amar Qaadasho la’aan ku kacay Waqtiyo kala fog oo Duruufo kala duwan lagu jiray waxaanan Tusaale u soo qaadan karnaa Waqti laga Joogo Sodon Sanadood oo Madaxwayne Siiraanyo Gudoomiyihii SNM ahaa in uu Abaabulay Afganbi lagu Dilo Madaxwayne Siiraanyo balse ALLE tiisii kama dhigin Dhacdadaasina waxay Sobobtay in uu Xabsi Dalka Itoobiya ku yaala Sanado ku xidhnaado ilaa Waqtigii Ururkii Dib u Xoraynta Qaran ee SNM ay Go’aansatay in Weerar Kadis ah lagu qaado Ciidankii Xooga badnaa ee Kalidii Taliyihii Dawladii Soomaaliya Xukumayay Daacada u ahaa Waqtigaa oo Madaxwayne Siiraanyo CAFIS U FIDIYAY sidaana uu kaga mid noqday Saraakiishii Hogaaminaysay Ciidankii SNM Sidoo kale C/laahi Yuusuf Axmad Alle Ha u Naxariistee waxuu Diiday in uu Hogaansamo Amaro kaga yimid Masuuliyiintii Dawlada Itoobiya ee uu Dalkooda Maganta ku joogay waxaanu ku mutaystay Xabsi ilaa Dawladii Mingite Xayla Maryam ay dhacaysay
2 ; Dabeecada Labaad ee Gudoomiye Muuse Biixi la Wadaago C/laahi Yuusuf Axmed ayaa lagu Tilmaamaa Qabka Damaca Indho la”aanta ah iyo Islawaynida waxuuna Safka hore kaga jiraa Saraakiisha Ciidan ee Saaxada Siyaasada Saamaynta ku yeelatay waxuuna ka dhex muuqday Golihii Siyaasada ee Ururkii Dib u xoraynta SNM iyadoo Taariikhdu ka marag kacayso in Godoomiye Muuse Biixi yahay Shaqsi la malaysan karin Karti badan balse Hadh iyo Habeenba Dagaal iyo wax iska Caabin ku jira Sidoo kale waa Siyaasi Cadaw u ah Aqoonyahanka Indheer garadka Culimada Madax Dhaqmeedka Suldaanada Xurmadoodana aan siin Deeqsinimo iyo Dulqaad midna laguma yaqaano Abaalka ma gudo Hiilka Saaxiibtinimo loogama baran
Dabeecadahan ayay Cadeeyeen Dadka Aqoonta Shaqsiga ah uu lahaa in uu Gudoomiye Muuse Biixi la Wadaago C/laahi Yuusuf Axmed Alle Ha u Naxariistii
3;Dabeecada Sadexaad ee Gudoomiye Muuse Biixi la Wadaago C/laahi Yuusuf Axmed ayaa lagu Tilmaamaa in Hab Maamulkiisa ka Muuqato Gudoomiye Muuse Biixi Kalidii Talisnimo oo ay ku Adag tahay ku Dhaqanka Xeerarka la isku Waafaqo Wada tashiga Gorfaynta iyo Tanaasulkuna Sooyaalkiisa Siyaasadeedna kuma jirto waxaana Marag Cad uga dhigaynaa ma ogola Tartanka Dimuquraadiyada Waafaqsan Dabeecadan Tartan diidka ah ayay Dadka Aqoonta Shaqsiga ah u lahaa Marxuum C/laahi Yuusuf Axmed Tilmaameen in uu lahaa
4; Gudoomiye Muuse Biixi Dabeecada Afraad ee uu la Wadaago Marxuum C/laahi Yuusuf Axmed ayaa lagu Tilmaamaa in Gudoomiye Muuse Biixi yahay Sarkaal aan ka Dhex Muuqan ka qayb qaadashada Tabarucaadka Adeegyada Danta Guud iyadoo Gudoomiye Muuse Biixi Sooyaalkiis ku Xusnayn Dhul uu bixiyay oo Iskuul ,Cusbitaal, Garoon ,Madarasad ,Quraan, ama Masaajid laga dhisay sidoo kale Gudoomiye Muuse Biixi lama Arko isagoo kaga Qayb qaadanaya Talo, Fikir , Qaadhaan Lacageed ama Duunyo Xoolaad Sidoo kale Marxuum C/laahi Yuusuf Axmed ayaa la tilmaamay in aanu ka qayb qaadan Tabarucaadka Jirin Adeegyada Danta Guud
5: Gudoomiye Muuse Biixi Dabeecada Shanaad ee uu la Wadaago C/laahi Yuusuf Axmed ayaa ah waa Siyaasiga Kaliya ee aan Waligii la Arag isagoo ka Hadlaya Adeegyada Danta Guud sidoo kale waxaa Sooyaalkiisa Siyaasadeed ku Xusan in aanu Mudada uu Saaxada Xisbiyada Mucaaridka ku jiray la Arag isagoo Damqasho Dareen iyo Dood ku Muujinaya ama kaga hadlaya Adeegyada Danta Guud ee Aasaaska u ah Dhismaha Dawladnimo sidoo kale Waligii lama Arag Siyaasi ay ku kala Waji Dadbaan ama ku Coleebaan wax ka baxsan Damaciisa Siyaasadeed oo Adeegyada Danta Guud ah Dabeecadan ayaa la sheegay in uu la Wadaago Marxuum C/laahi Yuusuf Axmed
Isku soo wada duubuu Bulsho Waynta S/land waxay Isha ku haysaa Go’aanka ay qaataan Golaha Dhexe ee Xisbiga Kulmiye iyo Shaqsiga ay u doortaan Murashaxa Madaxwaynaha Xisbiga Kulmiye iyaga iyo Go’aankood .
Qalinkii Farxaan Maxamed Barkhad
Germany