WAJAALE NEWS

Maxaad Kala Soctaa Muwaadin Mashruucyada Dhismaha Wadooyinka Iyo Sida Wasiiro Xukuumada kamid Ah (Faallo )

SAMSUNG DIGITAL CAMERAHargeysa(Wajaale News)-Inkastoo  ay Wanaagsan tahey Dhismaha Jidka u dhexeeya Ceerigaabo iyo Burco islamarkaana,ay inta ugu badan ee Bulshada Reer Somaliland sigaar ah u daneynayaan in La  Dhiso Jidkaasi waxey Su,aal badani ka taagan tahey,sida aan loogu qanacsaneyn  durbaanada loo tumayo iyo qaabka ay durtadiiba u waajaheen nidaamka sadexda waji ee is xambaarsan ah ee Wasiirada Hogaaminaya ololahan iyo dardarta hore ee  ururinta Qaadhaanka oo uu hogaamiye u yahey Wasiirka Wasaarada Madaxtooyada   Somaliland Xirsi Cai Xaaji Xasan, oo ahna khasnajiga Guud ee Wakaalada Hurumarinta  Wadooyinka Somaliland(Devoplement Road Agency), ahna Maamulaha Guud ee Dhismaha  Wadooyinka iyo dayactirka Jidadka Somaliland.
Shaki kuma jiro in Qof kasta oo Muwaadin ahi jecel yahey Hurumarka iyo Waxqabadka  dalka iyo in lagaga qeyb galo dhinacyo badan xataa hadey noqoto shaqo gacmeedka mowduucii Iskaa-Wax u Qabso oo bulshadu ku muujiso rabitaanka dalkooda, iyo  waliba mid qaadhaan oo qof walba itaalkii ah laakiin hadana halkaa waxey Su,aalbadani ka taagan tahey aragtida muuqata ee ah waxey indho arkayaan ayay ilkogooyaan, sababtoo ah marka hoos loogu dhaadhaco falanqaha dadweynaha ee kuwajahan habdhaqanka Xukuumadan, oo aanay habyaraatee jirin Hay,adihii Baadhista  iyo dabagalka Xisaabaadka iyo hantida Qaranka ee Hanti-Dhowrku ka kow ahaa oo  la baabiiyey, iyo marka la arkayo, sida Musuqmaasuqu aanu u laheyn habayaraatee,Xuduud lagu calaamadin karo islamarkaana, aan la aqoon heerka uu taagan yahey Wakhti xaadirkan taas, oo indhawaalena siweyn carabka loogu hayay arinta Dhismaha  Madaarka Caasimada ee loo badinayo inuu wali qabyo weyn yahey, oo Musuqmaasuqii   loo geystey raadkiisii qoyan yahey marka laga Qiimeeyo kharashka ku baxey ee   Wasiirka Duulista Hawadu ku faaney mararka badan oo ah malyuunaad lacagta  Dollarka Mareykanka ah dhinac kasta oo lagaga yimaadona aanay marnaba   Suurtagal ku noqoneynin iyadoo aan loo sameyn xeyndaab Silig ah in ay ku baxdey  lacgata intaa leegi, Waxa hada barbar socda Mashruucan afar wajiilaha ah ee   Dhismaha Wadooyinka oo Cashuurtii loo kordhiyay, oo lagu Sheegay in Turkigu   inaga caawiyey Dhismaha jidadka qaarkood, oo hadana loogu durbaan tumay Jeebka   dadweynaha, ka ganacsatada, iyo qaadhaano hor leh.

“Malaha  waxa Qurux badnaan laheyd in La Sameeyo Gudidii Dadweynaha iyo Qeybaha Bulshadaka koobneyd oo dhan sidii loo dhisay Biriishka Labaad ee Caasimada, ooWasiirada iyo Xukuumada ka madaxbanaanaadaan, haba la siiyo Kontaraaga  Dhismaha,ciday la doonayane, oo aan loo tartamin Shirkad kalena lasiine  waxaanan is leeyahey in Xukuumadu hantideeda oo kaliya ha maamusho  laakiin ta dadweynaha,in loo gacan galiyaa mafiicnaan doonto ayay ila tahey”Sidaa waxa yidhi Cabdi Aadan Maxamuud oo  kamid ah Shacbiga kunool Caasimada Hargeysa ee Somaliland.

“Maalmahanba  waxaanu isweydiinaynay, ilaa Xafladii habeenkii dhaweyd lagu Qabtey Huteelka  Maansoor    Malagu  Aamini karaa Wasiirada ka faa,ideysanaya Jaaniska in gacantooda lagu sii daayo  qaadhaanka loo ururinayo Dhismaha jidka Ceerigaabo iyo kuwa qabyada ah ee ay  balan qaadeen, laakiin waxa iyana nasiib daro ah in ay Baarlamaankii shicibka soo doortey  in lagu kordhiyo Cashuurta u gacan taagey ee Meel  mariyay in ay hadana iyagu   diidaan qaadhaankii lagaga jarayay Mushaharkooda ee loo cayimay, intoodii  badneydna waabay diideen, lacagta Turkiga lagu sheegay oo kaliya hadii sidaacad ah lo maamulo badhbaa inaga hadhi lahaa”Sidaa waxa tidhi Aamina  Saleebaan Cabdiraxmaan oo goob joog ka aheyd Xafladii Maansoor ee Wasiirka  Madaxtooyadu ka hadley.

Sikastabaha ahaatee waxaan muran ka taagneyn in siweyn isha loogu hayo SocdaalkaWasiirka Madaxtooyada Somaliland Xirsi Xaaji Cali Xasan ku gaadhayo Magaalada  Ceerigaabo dhawaan iyo ujeedada nuxurka safarkiisa iyo qaababka kale ee markale Bulshada loogu soo bandhigayo ololaha qaadhaanka Wasaarada Madaxtooyadu   wado ee lagu doonayo in Shacbigu lacago aan Xisaab laheyn ugu wareejiyaan   Xukuumada si wax loo dhiso iyadoo, aanay jirin Hay,adihii dabagalka iyo  baadhista hantida Qaranka ee Hantidhowrka sida aynu kor kusoo xusney, Lasoco   Qormada dambe, iyo Xogaha ku wajahan lacagihii qaadhaanka Tog-wajaale eeGanacsatada laga ururiyay iyo Waxyaabaha lagu qabtey lacagtaas…

 

Wajaale News
Hargeysa Office
Info wajalenews@gmail.com

Exit mobile version