WAJAALE NEWS

Dadweynaha Reer Tog-Wajaale Oo Soo Dhaweeyay Isbadelka Maamulka Gobolka iyo Saldhiga Tog-Wajaale Amaana Ujeediyay Xoghayaha D/hoose.

wajaale(5)Tog-Wajaale(Wajaale News):-Dadweynaha iyo ganacsatada ku nool Magaalada Xuduudeeda Tog-Wajaale ee Xarunta Degmada Wajaale, ayaa siweyn u soo dhaweeyay Isbadelka kuyimid xiligan Maamulka Gobolka iyo qeybaha amaanka Degmada Tog-Wajaale kadib markii la badelay Taliyihii Saldhiga Ciidanka Booliska Muxumed Ibraahim Suldaan oo loo badelay Degmada Oodweyne ee Xarunta Gobolka Daad-madheedh, waxaanay qeybaha Bulshada Tog-Wajaale iyo Ganacastaduba soo dhaweeyeen Maamulka Cusub ee Gobolka oo maanta la wareegay xilkii.

Qaar kamid ah Shacbiga iyo Ganacsatada Magaala Xuduudeeda Tog-Wajaale oo Shabakada Wararka Hadhwanaagnews uga waramey sida ay raalida uga yihiin Wakhtigan una soo dhaweynayaan isabdelka Cusub ee kuyimid Maamulka Gobolka Gabiley ayaa, sheegay in ay dhinaca kalena kasoo dhaweynayaan ama ay filayaan isbadel lagu sameeyo Maamulka Degmada Tog-Wajaale marka laga

reebo Xoghayaha D/hoose ee Degmada Tog-Wajaale Cabdinaasir Xasan Cabdilaahi oo ku sheegeen in uu yahey nin daacad ka ah shaqada dadweynaha ay hayaan islamarkaana, ah muumin cibaado badan oo aan dulmi iyo mushkilad midna shaqo ku laheyn sida ay hadalkooda u dhigeen.

“Waxaanu soo dhaweyneynaa anagoo ah dadweynaha Reer Wajaale iyo Ganacsatadaba isbadelka uu xiligan Madexweynuhu ku sameeyay Maamulka Gobolka Gabiley, oo ah mid wax badan hagaajin doonta,inkastoo aanu rajeyneyno in ay Wajaalena isbadelka Maamulka ka qeyb gasho maadaama Taliyihii Saldhiga Maanta loo badelay Oodweyne anagoo Xukuumada ka codsaneyna in lagu dalacsiiyo Xoghayaha D/hoose daacadnimada iyo sida uu ugudanyo shaqadiisa dadkuna waa kala duwan yahaye waa nin muumin ah oo Cibaado badan oo aan Mushkilad iyo dhibaato midna shaqo ku laheyn oo dadka sidii ixsaanka aheyd ugu shaqeeya”Sidaa waxa yidhi Axmed Cabdilaahi oo kamid ah Ganacsatada Tog-Wajaale oo ka hadlayay Isbadelka Maamulka Gobolka ee Xiligan.

Dhinaca kale  Gudoomiyaha cusub ee Gobolka Gabiley Mustafe Cabdi Ciise(Mustafe-shiine),oo maanta si rasmi ah ula wareegay xilka Maamulka Gobolka Gabiley ayaa lagu wadaa in uu bari Gudoomiyihii hore kala wareegi doono, xilka Degmooyinka Gobolka Gabiley ka kooban yahey oo ay Tog-Wajaalena ka mid tahey Degmooyinka ugu waaweyn ee Gobolkan.

Wajaale News
Hargaysa Office
Email:habane00@gmail.com
Wariye:Abdiqadir Abdirahman Habane

Exit mobile version