“Hadii La Kordhiyay Cashuurihii Gaadiidka iyo Xoolaha Baarlamaankuna Ansixiyay Si Loogu Dhiso Jidka U Dhexeeya Burco Ilaa Ceerigaabo Qaadhaanka iyo Bandhigyada Wasiir Xirsi Maxey Daaran Yihiin?”
Hargeysa(WJN)-Hadeynu ku noqono Qoramdii hore waxeynu mareynay waxa loo alifey Islamarkaana,Xarunta Madaxtooyada loo Hoos geeyayHay,adii Dhismaha Wadooyinka Somaliland ee aheyd(Somaliland Road Athorty)si loogu guro Qaadhaano lacageed oo Bilaa Xisaab ah iyo bilaa Sumad ahhaseyeeshee, loo sameeyo Accont kaliya oo lagu shubo lacagahaas, WaxaanuWasiirka Wasaarada Madaxtooyada Somaliland Xirsi Cali Xaahi Xasan u magacaabay Hay,ada Cusub ee Gurista Qaadhaanada dhismayaasha Wadooyinka uu Mashruucsado Gudoomiyihii Gudida Dhismaha Wadooyinka Gobolka Awdal(ASARDA) Xasan Cali Cusmaan, oo isagu aqoon u leh ururinta Qaadhaanka iyo qaabka loogu dawaro Mashaariicda noocan oo kale ah.
Marka si xaqiiq ah hoos loogu dhaadhaco
waxa Mashaariicdan Dhismaha Wadooyinka ee Wasiirka Madaxtooyadu Mashruucsanayo kujira Qodoba dhowr ah oo ay kamid yihiin Shirkad hada la abuurey oo Dhismaha Wadooyinka iyo Qandaraaskii Madaarka Qaadatey oo Wasiirka Madaxtooyada iyo Wasiiro Xukuumada ahi Shuraako kuyihiin oo kaligeed loo Xidhay Dhismayaasha Shirkadaas abuurka ah oo aan markii hore haysanin qalab kufilan laakiin looga iibiyay hada Qaadhaanadan iyo lacagtii Kuweyt ku caawisey Madaarada Somaliland ee Tobanka Milyan ee dollar aheyd, oo inteedii ugu badneyd la musuqmaasuqey, taas oo uu uga masuul yahey nin Lagu Magacaabo C/risaaq-Cumaani waxaana dad badani isweydiiyaan inta jid ee Xukuumadu wax ku daraysey in ay dhiseyso qeyb kamid ah ha ugu badnaato Shan Km oo qabyo lagaga tagey ama aan la taaban halkiina lagu daayay taas oo hadana markiiba loo Gudbayo wado kale ama Jid kaleoo loo baahan yahey in La Mashruucsado, Waxaana kamid ah Wadooyinka qabyada lagaga tagey ee markii dadweynuhu iskood u bilaabeen mar walbana lagu Xuso khudabadaha faanka Xukuumada Jidka Salaxley, Jidka u dhexeeya Oodweyne iyo Burco, Tog-Wajaale iyo Kalabeydh oo shan Km laga Dhisey, haseyeeshee waxa imika aawan Wadada isku Xidheysa Ceerigaabo iyo Burco taas oo kiishash dhaadheer loo Soo sameystey sidii qaadhaano door ah oo culus loogu guri lahaa inkastoo laga bilaabay dib ugu soo noqoshada Shaqaalaha Dowlada, Golayaasha Qaranka iyo Guud ahaanba Mushaharka Xukuumada waxaana dad badani ku falanqeeyeen talaabadan hadii ay suurtagal noqon laheyd in Si daacad ah loogu hagar baxo jidkaasi in inta loo saarey cashuurtaas iyo Lacagaha lasoo Weydiistey Dowlada Turkiga oo Malaayiin dollar ka badan iyo Qaadhaanada Mushaharka Xukuumada in lagu dhameyn lahaa laakiin Xaajadu sidaa mar walba ka duwan tahey.
“Hadii La Kordhiyay Cashuurihii Gaadiidka iyo Xoolaha Baarlamaankuna Ansixiyay Si Loogu Dhiso Jidka U Dhexeeya Burco Ilaa Ceerigaabo Qaadhaanka iyo Bandhigyada Wasiir Xirsi Maxey Daaran Yihiin?”Sidaa waxa yidhi mid kamid ah Shacbiga Reer Somaliland Jawaabtuna ma aha mid meel fog laga raadinayo , waa Musuqmaasuq aan xad laheyn oo uu gacanta ku haysto nin kali ahi cidii doontaaba haku labeyso ama haku sadexeyso Xisaabtii, Qasnadii ay ku dhaceysay Wacyigalintii qaadhaanka, Shirakdii iyo qalabkii iyo Gaadiidki idhismaha, iyo Arimo badan oo kale Waxaana kolay Tusaale loo soo qaadanayaa Su,aalo badan oo Shacbigu indhawaale siweyn isku weydiinayeen kuwaas oo ay kamid yihiin lacag intee leeg ayay Xukuumadu ku laheyd Cagafyadii dhawaan ay furayaashooda ku wareejiyeen Gudida Dhismaha iyo Hurumarinta Gobolka Togdheer ee Maxamuud Aadan Dhari ka Gudoomay Madexweyne Siilaanyo, waa mid macruuf ah dhamaantoodna inta badan waxey ku aroorayaan wax aan xaqiiqda u dhaweyn oo dhalan habaabis badani kujirto si loo wado Mashaariicda Dhismaha Wadooyinka ee La Mashruucsanayo, waayo hadaaney taasi jirin maxaa loo dhameys tiri waayey Jidlk balanqaadey markii hore Dhismhiisa?, Maxaa loo dhameys tiri waayey jid dhismhiisa Shacbigu bilaabeen intii ay Xukuumadu ku darsatey?, halkey gaadhsiin doonaan, Jidka Kiishashka waaweyn loo soo qaatey ee hada Ceerigaabo lagu Suntey? Su,aalahaa jawaabtoodu dadku waa yaqaanaa aniguse daaha kama rogin,laakiin qormadeenan aan ku hakiyo nuxurka Danaha kujira Qaadhaanka DhismahaJidadka iyo sida Loo mashruucsanayo, inagoo Qeybta Sadexaad kusoo qaadan doona jidadka balanqaadka Xukuumada ah kharashka ay ka bixisey iyo inta ay Ganacsatada ka qaadhaan kaga gurtey iyo inta ku baxdey Tusaale ahaan jidka 18KMah ee u dhexeeya Tog-Wajaale iyo Kalabeydh.
Lasoco, qeybaha dambe……………….