Hargeysa (Wajaale News)-Guddomiyha Xisbiga mucaaridka ah ee UCID Eng Faysal Cali Waraabe ayaa shaaciyay in uu saxaafada u soo bandhigi doono cadeymo muujinaya in habdhaqanka xukuumada Axmed Siilaanyo ay tahay mid aaney umaddu wax badan kala socon.
Guddoomiyuhu waxa sidan uu sheegay sida wararku nagu soo gaarayaan ka dib kolkii Wasiir Xirsi uu dhegeysan waayay talooyin ay u soo jeediyeen oo la xidhiidha ka hadalka Guddoomiyaha UCID.
Guddoomiyaha ayaa la sheegay in uu hayo xogo ku saabsan sida ay dalka hantidiisa iyo siyaasadiisa ugu tunteen Madaxweyne Axmed Siilaanyo iyo Wasiir Xirsi.
Xogahan oo qaar ay dhici karto in dalka iyo dadkaba ay khalkhal geliyaan ayaa hadana waxa Guddoomiye Faysal Cali Waraabe ka go’an in la shaaciyo si shicibku goa;aan uga gaaraan xogahan.
Guddoomiyaha UCID ayaa lagu sifeeyaa in uu yahaysiyaasiga ugu galaangalka badan siyaasadaha geeska Africa,waxaana suurtogal ah in xogaha uu damacsan yahay in uu sii daayo in ay noqdaan qaar culeyskii ugu weynaa ku keena Xukuumada Kulmiye ee mucaarid la’aanta dalka xukumeysay mudada sadexda sano ah.
Office:Haraisa /Somaliland
Wajaale News .Com