WAJAALE NEWS

Malaayiin Muslimiinta Adduunka Oo Carafa U Taagan Gudashada Waajibka Xajka

CARAFARiyaad(Wajaale News) Dowladda Sucuudiga ayaa sheegtay inay sanadkan si weyn ugu diyaar garowday sidii ay ugu adeegi lahayd malaayiin muslimiinta ka kala yimi dacalada aduunka ee gudanaya waajibaadka Xajka.

Diyaargarowga dawlada Sucuudiga ayaa la xidhiidha tirade  dadka xujeyda ah ee sanadba sanadka ka danbeeya kasii badanaya intii hore, waxatna sheegtay in  ay diyaarisay kumanaan Ciidamo oo ammaanka iyo boqollaalka kun oo isugu jira shaqaale kala duwan oo dadka xujayda ah  u qabanaya adeegyada ay ubaahanyihiin.arafa1

Sidoo kale waxay sheegtay  in  adeegyadaa ay ku jiraan goobo caafimaad oo dheeraad ah, Iyadoo Malaayiin Muslimiin ah ay gudanayaan rukniga Xajka oo ka mid ah tiirarka islaamka, kuwaas oo maanta ay si rasmi ah ugu billaabmayaan acmaasha ay gudnayaan xujaajtu
arafa2

Malaayiinka qof ee ka kala tegey dacalada aduunka ayaa subaxnimadii hore ee saaka waxay ka ambaxabeen magaalada Makka Al-mukarama iyagoo u jihaystay dhinaca Buurta Munna, kuwaas oo halkaas sii joogi doona maalinimada 8aad iyo habeenimada 9aad, ka dibna subaxnimada 9aad ayaa  u dareeri doona dhinaca Banka Carafaat.

Dhinaca kale waxa jirta fursad qiima badan oo dahabi ah, taas oo ay ka faa’idaysan karaan dadka aan fursad u helin in ay sanadkan xajka ka qeyb galaan, taas oo ah Soonka Maalinta la taaganyahay Carafa, iyadoo qofka maalintaas Sooma Illaahay  u balanqaaday in dembiga muddo laba sano ah laga dhaafayo. Sidaa darteed Muslimiinta aan fursad u helin in ay xajka sanadkan gutaan, waxa haboon in ay ka faa’idaystaan fursada soonka maalintaa qiimaha badan.

Hargaysa Office
Wajaale News
Info:wajalenews@gmail.com
Repoter:Abdiqadir Abdiraxman Habane

 

 

 

 

Exit mobile version