WAJAALE NEWS

Ciidamada Dab Damiska Oo Damiyay Dab Ka Kacay Dhisme Sedex Dabaqa Oo Ku Yaala Badhtamaha Magaalada Hargaysa.

Ciidanka Dab-demiska oo Xalay Soo bad-baadiyey 14 Qof kadib markii uu Dab qabsaday fooqii ay degenaayeen.

HARGAYSA(W,N)-Xalay abaaro 02:30 habeenimo waxaa uu Dab  weyni ka kacay fooq ku yaala magaaladda hargeysa gaar ahaan suuqa heegada kasoo horjeedka (Kaalinta Xasan Gallan).

Fooqan ayaa ka koobnaa qaybo kala duwan iyadoo loo isticmaalayey Hurdo iyo Ganacsiga qaybihiisa kala duwan.

Dabkaas ayaa ahaa mid ku fidayey Saddex dabaq oo kamid ah dhismahaas, waxaana si laxaad leh u xakameeyey Ciidanka naftood hureyaasha ah ee Dab-demiska una diiday in dabkaasi uu ku fido Fooqyo badan oo ka ag dhawaa waxaanay ciidanku Bartiisi ku Damiyeen dabkaas iyagoo badbaadiyey Hantidii taalay.

Ugu dambayn Taliyaha Ciidanka Dab-demiska Jsl S/guuto Axmed Maxamed Xasan (Sawaaxili) waxa uu halkan fariin uga dirayaa dad weynahu in ay ka waantoobaan dhismeyaasha kala duwan iyo fooqyada laga hor dhisayo Jiingadaha iyo Buulasha kuwaasi oo Sababi kara in uu Dab ka kaco.

Exit mobile version