WAJAALE NEWS

Ra´isal-wasaaraha Ingiriiska oo Shirkadaha Dalkiisa uga Digay Inay Shaqo Siiyaan Dadka Muhaajiriinta

Minister-David-Hargaysa(Wajaale News)-Raisal-wasaaraha dalka Ingiriiska Mr. David Cameron, ayaa shalay ku dhawaaqay in aan shaqooyin la siin dadka muhaajiriinta ah, lagana door bido dhallinyarada dhaladka ah.

Ra?isal-wasaaruhu waxa si cadho leh digniin ugu diray shirkadaha shaqooyinka siiya dadka ajanibka ah, isagoo ka dayriyey in kumanaan dhallinyaro ah oo asal ahaan Ingiriiska udhashay ay shaqo la? yihiin, aqoontuna ku yar tahay.Mr.
Cameron waxa uu hore u soo jeediyey in xayiraad lagu soo rogo shaqo siinta dadka muhaajiriinta ah ee dalkiisa ku sugan si dhallinyarada Ingiriiska ah shaqooyin ku filan u helaan.

Waxa uu Mr. Cameron shalay si rasmi ah ugu dhawaaqay in dadka u dhashay Ingiriiska ay ku yar tahay khibrada iyoi aqoonta shaqo, taasina ay keento in laga door bido ajenebiga ku habboon shaqooyinka shirkadaha qaar u baahan yihiin.

Daraasadii ugu dambeeyey ee la sameeyey waxa ay tilmaantay in dalka Ingiriiska 29 milyan oo qof shaqeeyaan, kuwaasoo 4.4 milyan ka mid ah u ajenebi haysta dhalasho yihii, taasna macnaheedu tahay in 15% dadka shaqeeya ka soo jeedaan meelo kale oo aan ahayn dalka Ingiriiska.

Haddii aad tagto shirkadaha dalkeena waxay kala badh dadku yihiin ajenebi, iyaga ma canaanaysid, shaqooyinkuun bay fahmeen oo heleen, sidaasaanay ku qabteen, waana in aynu dib ugu noqono habka wabarashadeenu u socoto, balse shirkaduhu waa in ay yidhaahdaan; shaqo idin siin mayno ajenebiyow,? ayuu yidhi Mr. Cameron.

Wajaale News
Hargaysa Office
Info;wajalenews@gmail.com
Repoter: Abdiqadir Abdiraxman Habane

Exit mobile version