Shirkaan, ayaa waxaa furay Hogaamiyaha Ururka Midowga Afrika Jocob Zuma iyo Raa´isal Wasaaraha Itoobiya Hailemariam Desalegn, oo isagu shir gudoominaaya.
Labaduba waxay sheegeen in Midowga Afrika ay dhowr jeer cabashooyin u gudbiyeen Maxkamadda dambiyada Caalamiga ah, hase yeeshee aan waxba laga qaban cabashooyinkaasi.
Sidoo kale masuuliyiintaan waxay kaloo sheegeen in Maxkamadda ICC, ay si gaar ah u beegsato Madaxda Afrika, taasoo aan Cadaalad aheyn, sida ay sheegeen.
Madaxda Afrika, ayaa waxay maanta go´aan
ka gaari doonaan Maxkamada Caalamiga ah ee dambiyada adduunka (ICC), laakiin ma cadda nooca uu noqon doono go´aankoodaan.
Addis Ababa,Ethiopia.
Wajaale News
Hargeysa Office
Info:wajalenews@gmail.com