WAJAALE NEWS

Maxaabiis Tiro Badan Oo Xalay Ka Baxsaday Saldhiga Dhexe Ee Magaalada Hargeysa

Hargeysa(W,N)-Waxa xalay saacadu markay ahayd abaaro 10:30 habeenimo saldhiga dhexe ee magaalada Hargeysa ka baxsaday  maxaabiis tiro badan oo ku xidhnaa saldhiga.

Waxaana Maxaabiistan oo ku xidhnaa Saldhigu ay ka dhaceen sida ay  dad goobta ku sugnaa ay noo xaqiijiyeen  iyaga oo Maxaabiistan naloo sheegay inay dalooliyeen qolkii ay ku xidhnaayeen waa sida ay  noo

sheegeen dad goob joog ahaa oo aan saldhiga hortiisa xalay kula kulanay.

Maxaabiistan xalay ka baxsaday Saldhiga dhexe eyaa tiradoodu gaadhaysay ilaa Dhawr iyo Toban Maxbuus oo ku xidhnaa saldhiga,kuwaas oo dambi kala duwan loo haystay laguna soo eedeeyey,qaarkoodna maanta loo qaadi lahaa Maxkamadda si loo dhagayso kiiska lagu haysto.

Ciidamada Booliska ee saldhiga dhexe ayaa xalay markiiba bilaabay hawl gallo ay kusoo qab-qabanayaan maxaabiistaasi ka baxsatay saldhiga ee xagga danbe ka dhacay,waxaana ciidamadu ay gacanta kusoo dhigeen qaar kamid ah maxaabiistaas,halka ay qaar kalena wali baxsad ku jiraan oo ay ciidamadu ku daba joogaan.

Maxaabiistan baxsatay ee xalay abaaro 10:30 habeeni ka daatay xagga danbe ee saldhiga dhexe ayaa ku ku eedaysnaa fal dambiyeedyo kala duwan,waxaana ay kusoo beegmayaan wakhti ay maalmo kooban inaga xigtaan maalinkii Ciidda Carrafo

 

 

Xigasho, Ramaasnews

Exit mobile version