WAJAALE NEWS

Madaxweyne Siilaanyo Oo Laga Talaalay Cudurka Dabaysha

 

Madaxweyne Axmed Siilanyo ayaa markuu qaatay talaalkii lagaga hortegayey cudurka dabaysha u soo jeediyey bulshada reer Somaliland inay ka wada qeybqaataan inay qaataan talaalkan.

Hargeysa(WJN) – Madaxweynaha Somaliland, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilanyo) iyo Marwadiisa ayaa shalay xarunta madaxtooyada ku qaatay dhibcihii u horreeyay ee Tallaalka dabaysha oo doorkan la siinayo dadka waaweyn iyo carruurtaba, ka dib markii sida la sheegay dalalka dariska lagu arkay dad waaweyn oo uu ku dhacay xanuunka dabayshu. Tallaalkan ayaa maanta ka bilaabmay guud ahaan Somaliland oo dhan kaasi oo socon doona muddo 7 maalmood ah.

Madaxweyne Axmed Siilanyo ayaa markuu qaatay talaalkii lagaga hortegayey cudurka dabaysha u soo jeediyey bulshada reer Somaliland inay ka wada qeybqaataan inay qaataan talaalkan. “Talaalkan oo faa’iido u leh dadka iyo dalka aad ayey muhiim u tahay in la qaato, maadama uu caafimaadka dadka ahmiyad weyn u leh. Waxaan ku guubaabinayaa dadka uguna baaqayaa inay qaataan talaalkan. Waxaan ilaahay uga rajeynayaa inuu caafimaad inna wada siiyo, oo faa’iido iyo kheyr ka helo,”ayuu yidhi Madaxweynaha Somaliland.

 

 

WAJAALE NEWS DISK

 

CONTACT US : Wajalenews@gmail.com

Exit mobile version