WAJAALE NEWS

Madaxweyne Assad Oo Si Kaftan Ah Ugu Dooday Inuu Xaq U Leeyahay Bilada Nabadda Adduunka

madaxwayne ASADSuuriya(Wajaale News):-Madaxweynaha dalka Suuriya ee Kacdoonka Shacab ku socdo Mr. Bashar Al Assad, ayaa ku dooday inuu xaq u leeyahay in la siiyo abaalmarinta la siiyo shakhsiyaadka nabadda adduunka ka wax badan ku soo kordhiyey ee loo yaqaan Nobel Peace Prize sida uu daabacay wargeyska ka soo baxa dalka Lubnaan oo aad u taageera Madaxweyne Assad.

Madaxweyne Assad waxa uu sheegay in uu uga xaq lahaa abaalmarintan hay?adda Baadha Kiimikadda adduunka oo Jimcihii toddobaadkan la siiyey abaalmarintan qaaliga ah ee lagu maamuuso shakhsiyaadka amma hay?adaha  horumar ka sameeya nabadda adduunka sida lagu daabacay wargeyska Al-Akhbar.

Assad waxa uu arrintan sheegay mar uu faallaynaayey abaalmarinta Nobel Peace Prize ee la siiyey hay?addan oo ka hawlgalaysa sidii ay u burburin olahayd hubka kiimikada Suuriya sannadka 2014.

Wajaale News
Hargaysa Office
Info wajalenews@gmail.com

Exit mobile version