WAJAALE NEWS

Kenya Oo Sii Deysay Nin Somali British Ah, Oo Weerarkii Westgate Lala Xiriiriyay

Kenya(Wajaale News)-Ninkaan oo lagu magacaabo Shariif Axmed C/risaaq, ayaa wuxuu sheegay in uu caafimadkiisu wanaagsan yahay, isla-markaana uu dib xoriyadiisa u helay. Shariif ayaa wuxuu ka xog waramay waxa ay Boolisku weydiiyeen, ka gadaal markii ay ka qabteen Garoonka diyaaradaha ee Magaalada Nairobi, xilli uu Britain ku sii jeeday. ?Waxay i yiraahdeen Passport-kaada waa been abuur. Waxaana ku dhahay Passport-kayga ma ahan been abuur waad hubin kartaan. Haddii uu been yahay iyo haddii kalaba, daqiiqado yar kadib waxay i yiraahdeen waxaad tahay argagixiso. “Sababta aan u imid Nairobi waxay tahay inaan baxnaaniyo hooyadey.

Maxaa yeelay wey xanuunsaneyd.” ayuu yiri Muwaadinka Soomaaliyeed ee heysto dhalashada dalka Britain. ?Xor ayaan ahay, mana ihi dambiile, waxaan ahay Muslim, aad ayayna iigu weyn tahay inaan Muslim ahaado. Laakiin ma?ahi argagixiso, mana doonayo inaan taageero argagixiso.” ayuu yiri Sharif Ahmed Abdirisak. Booliska Kenya, ayaa waxay shaki ka muujiyeen nabaro Shariif uga yaalay dhanka wejiga, taasoo keentay inay la xiiririyaan weerarkii Westgate. Hargeysa Office Wajaale News

Exit mobile version