HARGEISA (Wajaalenews);Xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI ayaa magacaabay Guddiga Khayraadka Dabiiciga ah Iyo Tamarta oo ka kooban shan xubnood oo aqoon sare u leh hawlaha khayraadka dabiiciga ah iyo tamarta.
Warsaxaafadeed kasoo baxay xarunta Xisbiga Mucaaridka ah Ee WADDANI oo uu ku saxeexan yahay Gudoomiyaha Xisbiga WADDANI Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa lagu sheegay in markuu arkay baahida loo qabo guddiga khayraadka dabiiciga ah iyo tamarta uu magacaabay shan xubnood oo aqoon sare u leh.
Warsaxaafadeedkaasi oo dhamaystirani wuxu u dhignaa sidan:-
“Ujeeddo: Guddi Magacaabis
Markan darsay: Qodobka 29aad ee Xeerka Xisbiga WADDANI.
Markan Darsay: Xeerka Xisbiga WADDANI iyo barnaamijkaba.
Markan Arkay: Baaahida loo qabo in la sameeyo Guddiga Khayraadka Dabiiciga ah Iyo Tamarta.
Markan ku Qancay: Waayo aragnimada iyo aqoonta ay leeyihiin Xubnaha Hoos ku qoran
Wuxuu go’aamiyay in loo magacaabo Guddiga Khayraadka Dabiiciga iyo Tamarta Xubnaha hoos ku Qoran.
- Eng. Rakeem Hatinoor
- Eng. Mukhtar Omar Nur
- Eng. Abdirashid Abdilahi Hersi
- Eng. Osman Aw Aadan
- Md. Abdulqaadir Askar Hasan
Waxaan ilaahay ka baryeynaa in ay ku biirin doonaan Xisbiga WADDANI fikirado wax ku ool ah, waayo aragnimadimadooda, khibradooda iyo Aqoontiisa”.
Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro)
Gudoomiyaha Xisbiga WADDANI
WAJAALENEWS DESK
HARGEISA SOMALILAND
EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM