WAJAALE NEWS

Dhalinyarada Moobilada Boobta Oo Khatar Ku Haysa Nabadgelyada Xaafadaha Iyo Golaha Deegaanka Hargeysa Oo ka Arrinsanaya

Xildhibaan-cagayareHargaysa(Wajaale News)-War-murtiyeed kooban uu soo saaray Gudoomiyaha Gudida Nabadgelyada ee caasimada Hargeysa Xildhibaan Ismaaciil Jaamac Xirsi (Cagayare ayaa waxa uu ku sheegay in Maalmaha soo socda ay qaadayaan Olole ay kor ugu qaadayaan Nabadgelyada Caasimada Hargeysa, isla markana ay kulamo la yeelanayaan gudiyada Nabadgelyada ee waaxaha Caasimada Hargeys, iyo sidoo kale Ilaalada Xaafadaha kala duwan ee magaalada Hargeysa.

Kuwaasoo ay ka wada hadli doonaan sidii loo xoojin lahaa amaanka Magaalada iyo xaafada kala duwan ee Hargeysa oo muddooyinkii u dambeeyay xaaladda ammaanka ay halis ku hayaan dhalliyarada xaafadaha oo moobilada ka qaada dadka.

War-murtiyeedkaasina waxa uu u dhignaa sidan;-“ Gudida Nabad gelyada ee Golaha Deegaanka Caasimada Hargeysa waxa uu ogaysiinayaa dhamaan Guddiyada Nabad gelyada ee Degmooyinka Caasimada Hargeysa, iyo Ilaalada Xaafada Hargeysa in ay diyaar ku noqdaan Maalinta Sabtida ee bishu tahay 26/10/2013 degmooyinka xaafadaha ay ka tirsan yihiin, halkaasi oo ay ku soo mari doonaan gudida nabad gelyada Caasimada Hargeysa, oo uu weheliyo Maayarka Caasimada Hargeysa,
Halkaasi oo lagala hadli doono arrimo khuseeya dhanka nabad gelyada, xaafadaha ay ka tirsan yihiin Hadaba waxa lagu adkaynayaa in ay waqtiga dhowraan kuna diyaar ahaadaan goobahooda.”

 

Wajaale News

Hargaysa Office

Info:wajalenews@gmail.com

Exit mobile version