WAJAALE NEWS

Ilhaan Cumar oo Loo Doortay Koongareeska Maraykanka

Washigton (WJN)- Ilhaan Cumar oo ah gabadh soomaaliyad ah ayaa noqotay gabadhii ugu horreysay oo ka tirsan dadka qaxootinimada ku ah Mareykanka ee ka mid noqda Koongareeska Mareykanka.

Ilhaan Cumar oo 36 sano jir ah ayaa taariikh sameysay ka dib markii ay noqotay qofkii ugu horreeyay oo Soomaali ah oo xildhibaan ka noqdo dalka Maraykanka.

Halkan ka akhriso shan arrimood oo ku saabsan Ilhaan.

  1. Waxay Soomaaliya ka qaxday xilligii dagaalka sokeeye iyadoo 8 sano jir ah
  2. Muddo afar sano ayay ku nooleyd xerada qaxootiga ee Dhadhaab
  3. Waxay Maraykanka tagtay iyadoo 12 sano jir ah
  4. Eryada Ingirriska ee ay taqaanay markii ay Maraykanka gaadhay waxay ahaayeen “salaanta” iyo ”aamus” oo kali ah
  5. Waxay noqotay qofkii Soomaaliga ahaa ee ugu horreeyay ee lagu doorto Maraykanka.

Exit mobile version