Asc.Dhamaan waxaan salaanta islaamka ku salamyaa saxaafada u heeganka ah mar kasta inay soo gudbiyaan fikirka saliimka ah.
Intaa kadib dhamaan umada somaliland meelkastooy joogaan gudo iyo dibadba waxaan usoo gudbinaya salaan.
intaa ka dib waxan manta qalinka u qaatay inaan ka hadlo xaqdarada waxa laga dhaxlaa ma fiicna.
Horta qofka wax fiican bulshadiisa u soo qabtay in la yidhaa waad mahadasan tahay mooye in tacadi iyo fadeexad loo gaysto ma wanaagsanataas oo aan uga jeedo xadhiga lagula kacay marwo Luul Xasan Mataan oo ah marwo sharaf leh mar kastena u heegan ah dadkeena jilicsan inay wax tarto.
waynu ognahay Luul Xasan Mataan waxay ahayd asaasihii xarunta darbi jiifka iyo dhaqan celiska mudo dheer baa Luul iyo dumar kale oo ay ku jirtaa ay u tafo xayteen siday caruurta darbiyada, dooxyada iyo dariiqyadaba seexda ee dhaxanta iyo dabayshu ba ka u tahay wehelka ee ay ka muuqto darayadu ama daranyaysan ay uga ururin lahayeen wadooyinka meel walba way u galeen sidii caruurta goob ku haboon ay ugu sameyan lahayeen dumarkaas oo ay hormood ka yihiin marwo Fadumo Siciid iyo Luul Xasan Mataan Allena swt waa la garab galay waxay gacan ka heleen shirkadeheena wadaniga ah iyo dawaladii markaas jirtay ee UDUB madaxweyanahana uu ka ahaa mudane Daahir Rayaale Kaahin caruurtii waxa loo dhisaya goob adeega bulshadu ay u dhamys tiran tahay sida.
1. waxbarashadii
2.cafimaadkii
3.tarbiyadii islaamka
4.quutal daruurgoodii.
intaas dumarkaas iyo haydaha calaamka iyo dawladii wakhtigaas jirtay baa dusha u ridatay hadaba marwo-dii intaas dhabarka u ridatay ee bad walba iyo mushkilad kasta kala soo dabaalatay in maanta sife sharci daro ah lagu xidhaa waa qalad maanta may ahayn tii jeelka loo dhaadhicin lahaa ee waxay mudnayd in waxay soo qabatay looga mahadceliyo looguna abaal gudilahaa caruurtaa ay dhaxanta iyo durxumaday ay ka xaraysay hadalkaygana waxan kusoo gunaanadayaa ama waxan ku soo xidhayaa page ka mid ah maanso uu sameyay abwaanka da.da yar Khaalid Cabdi Yuusuf(Miino) waxanu yidhi.
dibjirkii dariiqiyo daadsanaa
gidaarada ee cid daryeesha iyo
meel uu docayasto garanayan
dabayoocan dhaxantiyo roobku
uu dar dhini jiraya
dumarkii u kacayee diifta
ubadkan haysaa damiirkooda
kicisay dooxii hargeisiyo
magalda daraf ilaa daraf
ka soo daadgureeyee
dugsi ay taganiyodaweeyan
caafimaadiyo dayr dhaxanta
celiyiyo dugsi adag u tagay
hadii manta dumarkii
RRU lagu diray jidh dil
loogu daray xadhig
cadaladii waa dayree
xageebaan u doonaa