WAJAALE NEWS

Wasaaradda Arrimaha Gudaha Oo Tababar U furtay Qaar Ka Mida Xildhibaanada Iyo Shaqaalaha Deegaanka Gabilay

Gabiley(Wajaale News)-Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa u furtay siminaar socon doona muddo shan maalmood ah 25 xubnood oo kala socday xildhibaanada golaha deegaanka degmada Gabiley iyo shaqaalaha dawlada hoose ee degmadaasi.
DSC05114
Munaasabadii furitaanka siminaarka ayaa ugu horeyn waxa halkaasi ka hadlay maayarka degmada Gabiley, Shucayb Maxamed Muuse oo kula dardaarmay ka qayb galayaasha inay ka faa’iidaystaan casharada lagu bixin doono muddada uu siminaarku socdo. Maayar Shucayb waxa uu intaasi raaciyay in siminaarkani yahay mid faa’iido dheeraad ah u leh shaqaalaha dawlada hoose iyo waliba xildhibaanada ka soo qayb galay maadaama lagu baranayo nidaamka maamulka dakhliga, wax soo iibsiga, miisaaniyad sameynta, mashaariic fulinta iyo daba galka hawlaha ka socda dawlada hoose ee Gabiley.

Intaa kaddib waxa isaguna halkaasi ka hadlay Agaasimaha Waaxda Maamulka iyo Lacagta ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Maxamed Cismaan Dubbe, waxaanu ugu horeyn uga mahad celiyey ka soo qayb galayaashu sida ay u ilaaliyeen waqtiga, waxaanu kula dardaarmay inay ka faa’iidaystaan muddada uu siminaarku socdo. Waxaana uu intaasi ku daray in buugaagta la baranayo ay wax weyn ka tari doonaan nidaamka maamul ee waaxaha maaliyada iyo cashuur ururinta ee dawlada hoose ee degmada Gabiley.

Waxa kale oo ka mid ahaa xubnihii halkaasi ka hadlay Mr.Mahdi oo ka socday undp, waxaanu faah faahin ka bixiyey mashruuca JPLG iyo degmooyinka uu ka socdo. Waxaanu sheegay in Gabiley tahay degmadii toddobaad ee ku soo biirta mashruucan.

Waxa iyaguna ka mid ahaa ka soo qayb galayaasha qaar ka mid ah isu-duwayaasha wasaaradaha iyo la taliyaha dawlada hoose ee degmada gabiley Mr.Maxamed Cabdi Xasan (Ilkacase).

 

Wajaale News

Office Hargeysa/Somaliland

Exit mobile version