WAJAALE NEWS

Madaxweyne Siilaanyo Oo Kusoo Jeeda Boorama & Dareenada Xasaasiga Ah Ee Ku Xeeran

Borama(Wajaale News)-madaxwayne Siilaanyo ayaa lagu wadaa inuu magaalada Boorama soo gaadho dabayaaqada bishan, isla markaana Boorama ku sugnaado mudo dhawr maalmood ah. Booqashadan Madaxwayne Siilaanyo ayaa waxa la sheegayaa inay tahay mid xasaasi ah oo ku soo beegmaysa waqti loo baahnaa inuu Madaxwaynuhu yihaad, isla markaana ay gobolka ka jiraan arimo badan oo xasaasi ah.Booqashadan ayaa ujeedadeeda lagu sheegayaa inay tahay dhawr arimood oo iskugu jira kuwo xasaasi ah, kuwo hormarka ah iyo kuwo kale.

Borama(Wajaale News)-Madaxwaynaha ayaa waxa ka mid ah ujeedooyinka Safarkiisa inuu ka qayb galai qalainjabintii ugu balaadhnayd ee Jaamacadda Camuud oo sanadkan, taasi oo ay kaga qalinjabinayaan arday ku dhaw 500 kuwaasi oo wax ka bartay qaybaha kala ah, Maamulka iyo Maaraynta, Waxbarashada, Culuunta Kumbiyuutarka, Beeraha, Engineeringka, Caafimaadka, Kalkaaliyaasha caafimaadka iyo Sharciga.Ardaydan tirada badan ee qalinjabinaysa ayaa waxa ay madaxwaynaha ugu fadhiyaan inay ka maqlaan hadalo iyo talaabooyin dhiiri galinaya oo ay kaga baaqsadaan TAHRIIBTA ay dhalintu maanta u kaba gashatay, isla markaana uu u sheego arimo farxad galiya oo la halmaala dhinaca shaqo abuurka.

Mida labaad e jirta ayaa waxa ay tahay iyada oo la filayo in Madaxwayne Siilaanyo uu xadhiga ka jaro, ama dhagax dhigo mashaariic tiro badan oo qaarkood isagu balanqaaday oo u badan dhinaca wadooyinka, mashaariicdan oo badoodu ka fulay magaalada gudaheeda.

Waxa kale oo tan ku lamaan in mashaariicdan qaarkood ay wali qabyo yihiin isla markaana ay dhismahoodu soo socday mudo dheer oo sanad ku dhaw, isla markaana la la?yahay awood lagu fuliyo oo lagaga furfuro qandaraas qaatayaasha ku fashilmay dhismaha wadooyinka halbawlaha ah oo ay suura gal tahay inay ku soo beeganto booqashada Madaxwaynuhu, iyaga oo wali qabyo ah, suuqyada dhexdoodana ay tuulan tahay caratuulka foosha xun ee dadku ay ka qayliyeen mararka badan, madaxda dawladuna ay ku fashilmeen inay wax ka qabtaan, marka laga reebo inay mudada u sii kordhiyaan qandaraas qaatayaasha?e.

Mida sedexaad ee xasaasiga ah ayaa waxa ay tahay in madaxwaynuhu uu damacsan yahay inuu si toos ah u fara galiyo arinta xiisada XARIIRAD ee wali salka dhigi la? isla markaana madaxda dawlada iyo odayaasha guurtiduba ay ku fashilan yihiin wax ka qabashadeeda, Madaxwayne Siilaanyo ayaa waxa suura gal ah inuu gogol dhigo gudaha Boorama taasi oo ay dhinacyada ka soo fadhiisan doonaan beelaha is haya ee ay xiisada Xariirad u dhaxayso.

Xiisadan xariirad oo salka ku haysa Doorashooyinkii degmada Saylac ka dhacay oo aanu M/Siilaanyo wali si toos ah uga hadal ayaa waxa ka dhashay dilal toos ah oo amniga jiidaasi waxyeelay, isla markaana waxa wali geed ku laalan xal kama dambayn ah oo ay xukuumadu ka gaadho, iyada oo maalinba maalinta ka dambaysa ay beelaha ay xurguftu u dhaxayso ee dagaankaasi sii kala waji dadbayaan

Mida Afaraad ee suura-galka ah inuu M/Siilaanyo la kulmo ayaa waxa ay tahay inuu mar kale dhagayso cabashooyinka xoogan ee isa soo taraya ee dhinaca saamiqaybiga ah ee ka soo yeedhaysa beelaha Gobolka Awdal, oo marar badan saxaafada ka muujiyay inay aad u saluugsan yihiin sida uu M/Siilaanyo wax u magacaabo iyo saamiga uu siiyo beelahan, waxana waxyaabihii u dambeeyay ee ka dhashay ay yihiin in Gobolka Awdal laga magacaabo Gudi loogu magac daray Midnimada Beelaha Gobolka Awdal/Salal, taasi oo u jeedada u dambaysa ee loo aasaasay ay tahay qaban qaabada shir lagu tilmaamay inuu yahay AAYO-ka tashiga Beelahan.

Isku soo duuboo, waxaan oo dhan waxa jira wax kale oo ka soo horayn kara taasi oo ah in uu M/Siilaanyo mar labaad Boorama iyo Jaamacada Camuud u imanayo inuu ka qaato Shahaado Sharaf labaad oo dhinaca siyaasada ah mar hadii uu wali hirgali la?yahay magacii Dr. ee ku lamaanaa shahaadadii kal hore la gudoonsiiyay

 

Wajaale News

Office Hargeisa/Somaliland

Exit mobile version