WAJAALE NEWS

Taliyihii Hore Ee Ciidanka Qaranka Muj Jidhif Oo Cambaareeyay Xadhiga Lagula Kacay Ganacsade Cumar Caydiid

HARGAYSA(Wajaalenews) Taliyihii Hore ee ciidanka qaranka Muj:Maxamed Hasan C/lahi( Jidhif ) ayaa Waxlaga xumaado ku timaamay xadhiga ay xukuumadu kula kacday ganacsade Cumar  Caydiid Oo todobaadkii u danbeeyay ku xidhnaa mid kamid ah saldhigayada magaalada Hargaysa. gaar ahaan saldhiga ibraahim koodbuur

Taliyaha Oo u waramayay shabakada Wararka ee wajaalenews  ayaa ganacsadaha ku tilmaamay mid kasoo qaybqaatay halgankii dib u xoraynta dalka gaar ahaan guutadii 99 ee ka dagaalamaysay xeebaha galbeedka ee somaliland kana soo qaatay qayb laxaadle.

sidoo kale  waxa u  GEN jidhif  intaa ku daray in uu ganacsaduhu kamid yahay birmagaydada dalka sidaasi darteedna aan aad uga xumahay in xoriyada laga qaado ayuu yidhi{‘

waxa aanu taliyuhu xukuumada usoo jeediyay in sida ugu dhakhsaha badan xoriyadiisa loogu soo celiyo ganasadahan isaga oo kadigay in qof muwaadina oo usoo halgamay dalka islamarkaana maalgashi balaadhan kusameeyay kaasi oo tusaale u ah in dalka ay maal gashadaan dad ajaabina balse ay  xadhigan noocan ahi keenayo in aan cidi kusoo dhiiran , somaliland,maalgashigeeda.

Waxaan marlabaad ku celinayaa in muwaadinkaasi  sida ugu dhakhsaha badan  loogu soo celiyo xoriyadiisa. ayuu yidhi  taliyuhu.

 

Exit mobile version