“Ninka aan Todoba iyo Toban Shuruudood ka aqbaley ee aan ka aqbaley wax kasta oo Xisbigu ku guuldareysanayo ka aqbali maayo in rabshad iyo fadqalalo iyo amni daro iyo dhibaato dhacda oo dalka qas iyo qalalaase galisa inaan ka aqbalo aniga ayaa ku sawiran hadii maanta dad ku dhintaan oo shufto la bilaabo ma doonayo in Taariikh xumi iga raacdo waxa la idiinka baahan yahey inaad dib ugu noqotaan muraaqibiintiinii Gobolada iyo Degmooyinka dalka oo halkaa hubsiimo badan laga galo hadalada ay Dhegaheygu maqlayeena yeeli maayo waxeynu u mareynaa wadadii loo baahnaa in Natiijada doorashada ee Komishanka kasoo baxdey in aan ku qaadacno Waxaan dacwada u gudbinayaa Maxkamada Sare waxaan dalbaneynaa in dib loo tiriyo sanaaduuqdii Codbixinta”Ayuu yidhi Odey Siilaanyo habeenkaa,
waxaanu ku celceliyay “yeeli maayo in daraadey dalka loo burburiyo loo burburiyo nidaamka iyo kala dambeynta iyo Dawladnimada aynu maanta haysano anigaa ku sawiran magaceyga ayay wax waliba ku dhacayaan hadii dhiig daato”.
Axmed Maxamed Maxamuud(Siilaanyo),(Madaxweynaha Somaliland)ee xiligan oo hore usoo ahaa Gudoomiyihii ugu mudada dheeraa Ururkii SNM iyo Gudoomiyihii xiligaasi ee Xisbiga Kulmiye iyo waliba Murashaxii jagada Madaxweyne ee Doorashada ku guuldareystey islamarkaana, ay aqoon badan isu lahaayeen ficilada qaawan ee Muuse Biixi Cabdi waxa uu habeenkaa ka dhadhansadey goolaftankooda in ay damacsan yihiin in ay dalka rabshado ka dhacaan natiijadana kaga jawaabaan ficilo muran iyo dhiig daadiya maadaama uu kasii qoyanaa raadadkoodii taariikheed dagaaladii Sokeeye ee dalka hore uga soo dhacey xiligii Xukuumadii Marxuum Cabdiraxmaan-Tuur iyo Xiligii Xukuumadii Marxuum Cigaal oo ay qeyb weyn ka ahaayeen Muuse Biixi iyo saaxiibadii inkastoo uu habeenkaa Mujaahid Ibraahim Cabdilaahi Xuseen(Dhagaweyne),oo uu hore usoo galiyeen Muuse Biixi dagaaladii Sokeeye ka garaabey hadalkii Siilaanyo si qiiro lehna ugu dhawaaqey in aanay aheyn maalintii xabada iyo rabshada balse ay tahey maalintii hadalka lagaga jawaabeyay waxa dhacey isagoo ujeeda in Saaxiibkii Muuse Biixi u mici jawjawsan yahey in Xukunka boob lagu qaato oo Madaxweyne ay iyagu wataan talada dalka u qabsado,halka ragii kale ee Xisbiga katirsanaa qaarkoodna u arkayeen in ay iyagu gaar ahaana Muuse Biixi uu qeyb ka ahaa in ay Xisbiga Kulmiye ka laalanto Doorashada loo filayey in uu ku guuleystey maadaama uu gacmaha kor u taagey galinkii hore taageerayaashana isagu kiciyey.
LASOCO QAYBTA AFRAAD IYO XOGO MUHIIMA OO KU DUUGAN