Burco(Wajaalenews)Suldaan Siciid Yuusuf Ducaale oo ah Muwaadinka Kirada ugu jira Hudheelka ay dawladu leedahay ee Hargaysa Club ayaa shir jaraa’id oo uu ku qabtay Magaalada Burco ku beeniyay war lagu faafiyay Mareegaha qaar, kaasoo sheegayay in Hotelka ay dawladu iibisay isla markaana uu Suldaan siciid ka qaatay lacag hadhka lagaga iibsaday.
Suldaan Siciid isagoo ka hadlaya qaabka uu huteelka ugu jiro iyo inaanay cidina iibin waxa uu yidhi ”Anigu waxaan hutelka ku haystaa liisan oo dawladii tan ka horaysay ee Daahir rayaale ayaa igu siisay, sifo sharciyana waan ku qaatay xaqna waan u leeyahay hudheelkana dawladaa iska leh oo anigu waxaan ku haystaa liisankaas koontaraaga ah ee mudada leh ee sharciga ah maalgalin baan ku samayn karaa, cida mar walbana dawladu kala xidhiidhaysaa waa aniga. waxaa la qoray in hudheelkaas dawladu iibisay oo lacag malaayiin ah la siiyay oo shirkad laga iibiyay anigana lacag sadex Boqol oo kun ah lay siiyay, arintaasi waa arin been ah waxaan cadaynayaa inaan hutelka dawlada cid iibisay iyo cid ii timi toona aanay jirin, “ayuu kaga baxay suldaanku hadalkiisa .
Wajaale News Desk
Contact Us : Wajalenews@gmail.com