WAJAALE NEWS

Guddidii Xalinta Khilaafka Xisbiga Kulmiye Ee Uu Gadh Wadeenka Ka Ahaa Gudoomiyaha Guurtidu Oo Xalay Kulan Jilbaha La Isu Dhigtay Go`aamo Ka Soo Saaray Murankii Kulmiye.

xubnaha kulmiye ka tirsanHargeysa(Wajaale News):-Guddi Gudoomiyaha Golaha Guurtida gadhwadeen ka ahaa  oo Madaxweyne Siilaanyo hore ugu saaray khilaafka Kulmiye ayaa xalay soo saaray go’aan ay ka gaadheen khilaafkii xisbiga Kulmiye waxaanay sheegeen in shirweynaha Xisbiga Kulmiye aanay wax doorasho ahi ka dhici doonin, taasoo micnaheedu yahay in hogaankii Xisbiga, Fulintii, Gudida Qabanqaabada iyo Golaha Dhexeba sidoodii hore ahaan doonaan oo aan waxba Xisbiga dhismihiisii laga bedeli doonin.

Kulanka go’aankan laga soo saaray ayaa la sheegayaa in uu ka dhacay guriga Guddoomiyaha Golaha Guurtidda Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan isla markaana ay goob joog ka ahaayeen labada Garab ee Xisbiga Kulmiye, kuwaasoo la sheegay in ay qudbado ku waajahan aragtidooda go’aankaasi ka jeediyeen.

Xogaha hoose ee kulankaasi ka soo baxaya ayaa sheegaya in  go’aankan oo salka ku haya qoddobo toddoba ahaa oo garabka Samaale iyo xubnaha fulinta ugu badan u gudbiyeen Madaxweyne Siilaanyo iyo Guddidiisa Saleebaan Odayga u yahay in la isla qaatay wallow Muuse Biixi ka kacay shirka oo uu sheegay in uu ka soo tashanayo, hase yeeshee hadana waxa isla goobtii ku dhawaaqay in ay sidiisa ku qaateen go’aankaas Maxamed Kaahin Axmed.

Go’aanka xalay ka soo baxay guddida ayaa u muuqda mid wax ka bedelaya xaaladii hore ee uu  xisbigu ku jiray taasoo maraysay in Xisbigu mudadii uu khilaafku soo baxay tahli kari waayo in ay isa soo horfadhiistaan Hogaanka iyo Guddida Fulintuba.

Guddi Gudoomiyaha Golaha Guurtida gadhwadeen ka ahaa  oo Madaxweyne Siilaanyo hore ugu saaray khilaafka Kulmiye ayaa xalay soo saaray go’aan ay ka gaadheen khilaafkii xisbiga Kulmiye waxaanay sheegeen in shirweynaha Xisbiga Kulmiye aanay wax doorasho ahi ka dhici doonin, taasoo micnaheedu yahay in hogaankii Xisbiga, Fulintii, Gudida Qabanqaabada iyo Golaha Dhexeba sidoodii hore ahaan doonaan oo aan waxba Xisbiga dhismihiisii laga bedeli doonin.

Kulanka go’aankan laga soo saaray ayaa la sheegayaa in uu ka dhacay guriga Guddoomiyaha Golaha Guurtidda Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan isla markaana ay goob joog ka ahaayeen labada Garab ee Xisbiga Kulmiye, kuwaasoo la sheegay in ay qudbado ku waajahan aragtidooda go’aankaasi ka jeediyeen.

Xogaha hoose ee kulankaasi ka soo baxaya ayaa sheegaya in  go’aankan oo salka ku haya qoddobo toddoba ahaa oo garabka Samaale iyo xubnaha fulinta ugu badan u gudbiyeen Madaxweyne Siilaanyo iyo Guddidiisa Saleebaan Odayga u yahay in la isla qaatay wallow Muuse Biixi ka kacay shirka oo uu sheegay in uu ka soo tashanayo, hase yeeshee hadana waxa isla goobtii ku dhawaaqay in ay sidiisa ku qaateen go’aankaas Maxamed Kaahin Axmed.

Go’aanka xalay ka soo baxay guddida ayaa u muuqda mid wax ka bedelaya xaaladii hore ee uu  xisbigu ku jiray taasoo maraysay in Xisbigu mudadii uu khilaafku soo baxay tahli kari waayo in ay isa soo horfadhiistaan Hogaanka iyo Guddida Fulintuba.

Wajaale News
Hargaysa Office
Info:wajalenews@gmail.com
Reporter:Abdiqadir Abdiraxman Habane

Exit mobile version