WAJAALE NEWS

Marwada Madaxweynaha Somaliland Marwo Aamina Sheekh Maxamed Jirde iyo xubno ka mid ah Golaha wasiirada Oo Caawa Ka Qaybgashay Xafladbalaadhan loo Sameeyay Malinta 8march;

HARGEISA (WAJAALENEWS) Waxa maanta Somaliland laga Xusay 8-March oo ah maalinta Haween Weynaha Aduunka,

waxaana caawa Hotel Maansoor lagu qabtay Xaflad balaadhan oo ay ka so qayb-gashay Marwada Madaxweynaha Jmahuuriyada Somaliland Marwo Aamina Sheekh Maxamed Jirde iyo xubno ka mid ah Golaha wasiirada iyo masuuliyiin kala duwan oo ka socda Ururada Bulshada, Xildhibaano, Sulaadiin iyo Culimo awdiinba, iyaga oo dhamaantood halkaasi ka hadlay kuna dheeraaday xoojinta iyo dhiirigelinta haweenka.

 

waxaana ugu danbayntii soo xidhay xafladaasi Marwo Aamin-weris Sheekh Maxamed Jirde oo haween waynaha Somaliland meel ay joogaanba u dirtay Hambalyo la xidhiidha 8-March ee 2014.

Waxa Xusid mudan in Haween waynihii isugu yimid Madashu ay lacago u deeqeen wadada cerigabo kuwaasi oo ku tartamayey xadiga lacagaha ay kaga dhawaaqeen Madasha.

waxaana ka mid ahaa Hadalada Marwada Qaranka iyadoo dhamaan u mahad celisay dhamaan qaybaha kala duwan ee kasoo qayb galay xaflada waxa kale oo ay hanbalyo u dirtay dhamaan haween waynaha adun gaar ahaan kuwa somaliland waxayna xustay inay haweenku yihiin lafdhabarta bulshada

Marwo aamina waris maranaba kama maarmayno ragaya waanu hubnaa dumarku dalak waxay usoo mareen iyo waxay kaqabteen waalama ilaawaan hadaytahay dawlada manta jirta haweenku wasaarada ay hayaan lagulama kufun ee way mutaysteen ayay tidhi. waxayna baaq u dirtay hawenka somaliland inay kaqayb qaataan horumarka dalkooda

WAJAALENEWS DESK

HARGEISA OFFICE

EMAIL;wajalenews@gmail.com.

 

 

Exit mobile version