WAJAALE NEWS

Siilaanyo: Gabowdaye Guurtida Ku Biir Qormadii 11aad Qalinkii Libaan xaaji fagadhe

Siilaanyo: Gabowdaye Guurtida Ku Biir Qormadii 11aad Qalinkii Libaan xaaji fagadhe

 

Shacbiga Somaliland tan iyo xiligii ay uguureen ama ay ku talaab sadeen axsaabta

DEELEY DAREENLEY
RAG ALLOW MADOOXAA
MA DILAACIYAA NABAR

Waa markhaati madoon iyo muran reeb waa maalmo ina soo maray oo aynumilicsanayno waa manfac aynu leeney misne aynu moog nahey ee bal aan miida iyo micnaha udaa dago .

Shacbiga Somaliland tan iyo xiligii ay uguureen ama ay ku talaab sadeen axsaabta siyaasada una codeeyeen waxaa baa ba’day wixii la odhanjirey Qabiil waayo waxa loo guurey xisbiyo siyaasadeed hadaba hadii uu habkani sii jiri lahaa waxaa maanta Somaliland ka mid noqon laheyd dowladaha caalamiga ah ee dunida balse waa la baabiiyey oo waxa laga takhalusey sii socodka habkii axsaabta iyo dimuquraadiyada taasi oo Madaxweyne Siilaanyo bilaabay isagoo markaa mucaarid ah dalkana dib uga bilaabo shir beeleedyo kuwaas oo maanta keeney dhibaatooyinkan faraa badan ee dalkii ka dhex taagan.

waa Shirkiikii Gar-adag 2008. waa kii ay Somaliland ku wayday maamul dowladeed iyo kala dambayn. Quraankeena kariimka ah waxa ku jira aayado la nasakhay ama la buriyay ka dib markii ay ka daba yimaadeen aayado halkoodii badalay, hadaba maalinta shirkaasi dhacay wixii ka dambeeyay waxa la nasaqay ama la buriyay distuurkii iyo qawaaniintii u daganaa Somaliland, halkiisiina waxa galay (Gar-adag Agreement) Maalintaa waxa isku milmay xisbigii, guurtidii, ganacsatadii iyo qabiilkii. waa goobta ama istaankii Xirsi ka soo raacay dawlada, waa ta keentay tuhunka laga qabo dowlad beeliwado. wadiga arkaya kala dambayn la’aanta taagan, shir beeleedyadan iska so daba dhacaya, salaadintan digreetooyinka so saaraya iyo shakhsiyaadkan ku faanaya awooda dowlada oo ay gaar isku siiyeen.

Bal aynu dib ugu yara noqono SNM Toban nin ayaa ku dhawaaqey ilaa hada qaarkood way noolyihiin oo way inala joogaan ufiirso hada sanadkii 1982 Siilaanyo waxa uu tagey dalka maraykanka isagoo qudbad ka jeedinaayana oo ka hadlaaya dhaqdhaqaaqii SNM waxa uu yidhi(Mareer ayaa dowlad noqonkara ) .Ma tageen Siilaanyo ama matalaabeen ee waxa uu ka baqey xadhig ama inuu siyaad bare xidho ee geesinimo iyo gilgilasho toona kumay kalifin.
Markii uu SNM tagey ee uu gudoomiyaha noqdey waxa uu bilaabey inuu Mujaahidiintii kala qeybiyo oo uu kala saaro si uu kursiga gudoomiye nimada ugu fadhiyo xiligaa Xirsigiisii ama gacan yarihiisu wuxuu ahaa ninka layidhaa Mijir Qaadi ha ahaado Mijir qaadi ee markaa talada gudaha isaga ayaa hayey ee hada taladu farihiisa kumajirto oo waa sidii macno boqortooyo balse aan lasoo shaacsaarin maada uu boqorkii Siilaanyo uu yara socsoconkaro oo maalinta ay shacbigu isweydiiyaan lasoo kaxeyn karo si uu isna intaa mijo baxsi uga dhigto dadkana sawirkiisa loo tuso.

Shirkan Gar adag waa ka ay maanta reerkastoo shirayaa ku hal qabsadaan waa ka kalifey in Somaliland laga ga dhawaaqo dowlad goboleedyo waxaad eegtaa oo kuugu filan magaca Gar adag wixii ka dhashey ama shirarka ka dambeeyaana waa Aafooyin iyo Afkalaqaad .Waa kii keeney shirkani dowlad goboleed in laga ga dhawaaqo somaliland isagoo reer waliba raba in uu gobolkiisa horjooge ka noqdo.
Shirkaa Gar adag markii uu dhamaadey waxa uu Madaxweynaha hada talada haya ee Siilaanyo bilaabey maadaama uu reerkiisa mideeyey inuu howshiisii kale bilaabo ee aheyd kala qeybinta bulshada kale ee Somaliland oo uu ka bilaabay inuu bulshada beesha dhexe ku abuuro cadiifad xun oo aheyd sidee ayey reer Awdal unoqdaan madaxweyne iyo Riyaale waxa uu ahaa faqashtii aynu dalka ka xoreyney kuma aamini karno wadanka oo xamar ayuu inagu wadaa Alleylehe maalintuu Riyaale hayey ayey Somaliland ka sugneyd maanta.
Talaabo kasta oo uu qaadayo waxay la xidhii mid uu hore usoo qaadey Siilaanyo xiligii uu gudoomiyaha SNM ahaa waxa bilihii April—-May 1988 kii dhacey shirkii ay isugu yimaadeen Rajiimkii Siyaad Barre iyo Migiste kii ku sadex ahaa ee howsha fulinaayeyna waxa uu ahaa Siilaanyo waxaana dhexmarey heshiiskii ahaa in ay Mujaahidiinta soo xareeyo oo hadhowna la laayo balse way ka diideen mujaahidiintii ilaa hadana waynool yihiin ragaasi isagoo markaa waxoogaa shilimaada qaateyna waxa uu usoo baxsadey London barigaa u may suuro galin in la baabiiyo mujaahidiintii SNM waxaaney sababtey markii doorashadii SNM 1990 kii doorashadui godomiye nimada laqabanaayey in uu is sharixi kariwaayey waayo Aaminaadii loo qabey way baa baday.
Aduunyada nin noolow maxaa aragti kuu laaban bal waxaad aad ugu fiirsataa marka saxaafadu arinkan way diineyso wuu gariiraa ama sidii nin bariwaashey ayuu kolba indhaa dhinac utaagaa hadaad usii fiirsato waxaad eegtaa xoolo xabaalo geeda yari kabaxayaan marka ay isyidhaahdaan daaqa hadii qof qabriga lagu cadaabayo qaylada way maqlaan oo intay yaacaan oo didaan ayey meel sheed ah dhagaha kasoo taagaan sidaas ayuu udidaa Siilaanyo oo uu udidaa waayo waa wax uu sameeyey oo gudcurbuu fartaagey subaxiiba gudcur fartaag ayaa loogu yeedhey waxaa taa lamida oo maanta usuuro gashey waa shirkii Washington ee 2009kii. waa shirkii Somaliland ku sigatay inay ku waydo madax banaanideeda. Waa kii ay ku aqbashay maamul goboleed. Shirkani waxa u ahaa talo dowlada maraykan ay lahayd kadib markii CIA du report ay ka so diyaarisayay kagana warantay sidii colaadaha, argagaxisada, iyo budhcad baddeedka mandaqada ka taagan loo soo afjari lahaa.waxa la isla qaatay in la sameeyo Reginal approach -ama sidiigobol gobal loola macaamili lahaa qaybaha kala duwan ee Soomalida. Waxaana talo ay ku soo jeediyeen in la sameeyo wax loogu yeedho (Regime Change ) waa kalmadii markii lasii macaaneeyey laga dhigey (Change) ee shacbigana layidhi waxaa loo baahanyey (Isbadal) kaas ayaana ololihii lagu qaatey ugu dambeeyey waxaanu baryahan dambe qayb wayn ka ahaa siyaasadaha dibada ee maraykanka. Qorshahan waxa ka mid ahaa in AbdilahiYousuf, in gabadh madow oo maraykan ahi, airportka Niarobi kula kulanto, una sheegto in u is casilo. inkasta oo aanay
Lasoco. …………….

Exit mobile version