WAJAALE NEWS

Suuq Addoonsi Oo Ka Furmay Dalka Libya

Hargaysa(W,N)-Ururka Midowga Africa ayaa Jimcihii shalay ugu baaqay Masuuliyiinta Libya inay baadhis ku sameeyaan – suuqyo adoonsi oo la sheegay in Muhaajiriinta Madowga ah lagu kala iibsado oo ku yaala dalka Libya.

Baaqa Midowga Africa ayaa yimid ka dib markii Telefishinka CNN-ta ee dalkan Mareykanka laga sii daayay muuqaalo naxdin badan oo muujinayay dhalinyaro afrikan ah oo lagu kala iibsanayo suuq xaraash ah dalka Lybya.

 

 

 

Sida ka muuqatay muuqaaladaa, dhalinyarada ayaa laga iibinayay dad ka soo jeeda dalalka Waqooyiga Africa.

Dhalin yaradaas ayaa la sheegay in lagu kala iibsanayay lacag 400 oo dollar ah midkiiba – si ey uga shaqeeyaan dhul beereed ku yaala meelaha ay ka soo jeedaan dadka iibsanayay.

Madaxweynaha Dalka Guine Alpha Conde, oo hadda ah, Madaxa Ururka Midowga Africa ayaa dalbaday in baadhitaan la soo sameeyo, cidii ku lug yeelata – falkan oo uu ku tilmaamay mid aad u fool xun –oo laga soo min guuriyay wakhtigii qadiimiga ahaa- sharciga lala tiigsado.

Dhinaca kale, dowladda Senegal ayaa fariin ay soo dhigtay Bogga Faceboogga ku tilmaantay falkan mid naxdin badan oo ku soo kordhay Libya oo hore xarun ugu aheyd dhibaateynta dadka ka soo jeeda dhulka Africa ee Saxaraha ka hooseeya.

 

Exit mobile version