WAJAALE NEWS

Mid kamid Ah Dhalinyarada Gobolka Gabiley Ayaa Sheegay In Uu Taageero Halkan Ugu Gudbinayo Suldaanka Beelaha Sacad Muuse Suldaan Ismaaciil Suldaan C/raxmaan Sheekh Muxumed Barraale

Hargeysa(Wajaale news)-Mustafe Sheekh Abokor Xuseen oo kamid ah Dhalinyarada Gobolka Gabiley ayaa Sheegay in uu taageero halkan ugu gudbinayo Suldaanka Beelaha Sacad Muuse Suldaan Ismaaciil Suldaan C/raxmaan Sheekh Muxumed Barraale Waxaanu Xusey in uu ku taageersan yahey sida uu
ugu dhabar adeygey Culeysyadii kaga imanayay  qeybo kamid Bulshada uu uyahey Hogaanka Dhaqanka.

Dhambaalkan Taageerada ah oo uu Soo gaadhsiiyay Shabakada Wararka Hadhwanaagnews Mustafe Sheekh Abokor Xuseen oo kamid ah Gududa Dhalinyarada Gobolka Gabiley waxa kale oo uu ka hadley, in uu ku Dardaarayo Gudidii dhawaan ka deyrisey Shirkii Sacad Muuse sida uu usocdo  taas, oo kula dardaarmey in aanay ka degdegin oo ay ka Dhursugaan Natiijada kama dambeysta ah oo meel la isugu soo biyo shubanayo.

“Waxaan halkan ka hambalyo iyo Taageero uga Gudbinyaa anigoo ku hadlaya Magaca Dhalinyarada Gobolka Gabiley Suldaanka Guud ee Beelaha Sacad Muuse Suldaan Ismaaciil Suldaan Cabdiraxmaan oo aan ku hamablyeynayo sida uu u agaasimay Qeybintii Ergooyinka ka Qeyb galaya Shirka Hoodaale, anigoo kamid ahaa dadkii Saluugsanaa markii hore haseyeeshee, dib ka ogaadey in uu ku saxsan yahey Howlaha, Waxaanan kula dardaarmayaa Kooxda Odoyaasha ka Cadhooday Qabanqaabada Shirkaasi in ay kasoo Noqdaan Cadhadaas oo ay taageeraan nidaamka loo wado Shirka”Ayuu Yidhi.

Gabagabadii, Waxa uu hambalyo u direy Ganacsadaha Maxamed Aw Siciid Geedi, iyo raga lamid ah ee Indhabirta iyo qaar kale oo isku Xilqaamey Shirkaasi in uu midho dhalo.

Shirka Sacad Muuse oo in badan la filayay in uu qabsoomo ayaa ilaa iyo hada aan sal dhigin meelna taas oo ay dada badanina ku eedeynayaan in Shirkaasi walaaqeen Ganacasdaha Maxamed Aw Siciid Geedi iyo rag kale.

 

Wajaale News

Offive Hargeysa /Somaliland

Exit mobile version