Hargaysa(wajaalenews)Waxaa soo gabogaboobay shirkii maalmahan u danbeeyay uga socday dalka Jabuuti maamulka Khaatumo iyo xukuumada Somaliland kaas oo ku soo dhamaaday is afgarad, waxaana ka soo baxay shan qodob oo ay ku saxeexan yihiin gudiga farsamada ee u kala matalayay labadan dhinac.
Qodobadan ay isla qateen guddiga Farsamadu ayaa waxay ka kooban yihiin Shan qodob waxaana ay kala yihiin sida tan
- Waxa dib u eegis lagu sameeyey heshiiska 11 qodob ka koobaan ee Addis-ababa 21-12,2016 waxii hirgalay iyo waxii aan hir galin.
- In taakulaynta iyo gurmadka abaaraha Somaliland iyo Khaatumo iska kaashadaan kana wada shaqeeyaan.
- Waxaanu ugu baaqaynaa hay’adaha caalamiga ah iyo kuwa Maxxaliga ahba inay si deg deg ah uga hawl galaan deegaanadaasi,abaaraha iyo horumarin la’aanta jirta awgeed.
- In shirka guddiyada wada hadalada Somaliland iyo Khaatumo lagu qabto Jabuuti 20.3.2017.
- Waxaanu si wada jir ah u canbaareynaynaa falka nabad galiyo xumida iyo khal-khal galinta ahaa ee Puntland ka fuliyeen madaarka magaalada Buuhoodle 5.2.2017,waxaanu usoo jeedinaynaa inay ka waantowdo falkaas Foosha xun iyo farogalintaba
Waxaana qodobadan ku saxeexnaa gudoomiyayaasha guddiga farsamada wada hadalada Somaliland iyo khaatumo mudane Maxamed Xaaji Aadan iyo Kayse Cabdi Yuusuf.
Shantan qodob ee kasoo baxay gunaanadka wada hadalkii dalka Jabuuti uga socday dawlada Somaliland iyo Kooxda Khaatumo ayaa waxay qayb ka yihiin qodobo kale oo kasoo baxay shirkaasi balse aan wali la shaacin.