Muj cali guray oo kamida siyaasiyiinta somaliland ee sida dhabta ah u faaleeya siyaasada somaliland ayaa mar uu barta uu ku leeyahay facebookga uu qoraal kooban soo dhigay wuxu kaga hadlay xaalada dhabta ah ee somaliland ay ku sugan yihiin golayaasheedii xukuumadii oo dhamaantood ka dhamaadeen xiligii sharciga ahaa ee la doortay wuxuna u dhignaa sidan;
Muddo xileedkii sharciga ahaa ee Madaxwaynaha iyo ku xigeenku waxay ku buuxdaa 26 July doorashaduna waxay ahayd inay qabsoonto bil ka hor dhamaadka muddo xileedkooda laakiin may dhicin. Waxa ka daran ma jiro wakhti rasmi ah oo kale oo la ogyahay inay doorasho ku qabsoomayso. Waxa iyaduna matkii sedexaad dhamaatay muddo kordhintii loo sameeyay Wakiilada ka dib markii ay dhamaatay muddo xileedkii goluhu wakhti ku dhaw shan sanadood ka hor. Markaa dawladnimadii Somaliland waxay ku dhawdahay burbur marka ay isugu soo baxeen guurti iyo wakiilo iyo madaxtooyo ay wada dhamaadeen muddo xileed yadoodi sharciga ah ey noqotay ku fadhi sharci darradaba maxaa dhacaya? Jawaabtuna sida ay sua’aashu u taal waa WAX DHACAYAA MA JIRO, sidaa daraadeed sedexda Gole waxad moodaa inay heshiis ku yihiin in aan dalka wax doorasho ah oo dambe ka dhici waxanay ka arkeen isha shacabka damanaha ah iyo xisbiyada aan tamarta lahayn ee mucaaridka ah. Lakiin karis xun iyaduna wax ku la’.
Si kastaba xaalku ha noqdo eh waxay xaaladda Somaliland sida maanta ay tahay ka marag kacaysaa in DADKA Somaliland ay xoriyadda iyo dawladda nimadaba ay u halgemi yaqaanaan oo naf iyo maalba ay u huri yaqaanaan lakiin nasiib darro hadii ay helaan anay hanan karin. Waxa is waydiin leh hadaba xornimo iyo dawladnimo aanad hanan karin marka aad hesho waxa aad ugu halganto ee naf iyo maalba aad ugu hurtid
CALIGUREY