WAJAALE NEWS

Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland Oo Maanta Dalka Dib Ugu Soo Laabtay Kana Hadlay Safarkii Uu Ku Maqnaa Iyo Arimo Kale+Daawo Sawirada

Hargeysa(WJN):-madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici ayaa manata dalka dib ugu soo laabtay ka dib markii uu soo dhamaystay safar uu ku joogay qaar ka mid ah wadamada Carabta.

Hargeysa(WJN):-madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici ayaa manata dalka dib ugu soo laabtay ka dib markii uu soo dhamaystay safar uu ku joogay qaar ka mid ah wadamada Carabta.

Madaxweyne ku xigeenka Somaliland oo maanta ka soo degay madaarka caasimada ayaa waxa halkaas ku soo dhaweeyey xubno ka mid ah golaha wasiirada Somaliland oo ay ka mid ahaayeen wasiirka arimaha gudaha Cali Maxamed Waran Cade, Wasiirka madaxtooyada Xirsi Cali Xaaji Xasan,wasiirka duulista iyo hawada Maxamuud Xaashi Cabdi

iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan xukuumada Somaliland.

Madaxweyne ku xigeenka Somaliland oo qolka nasashada ee garoonka caasimada kula hadlay warbaahinta ayaa waxa uu sheegay inuu safarkiisu ahaa mid shakhsiya oo isaga u gaar ah waxaanu yidhi ?waxaan u baxay safar iska shakhsi oo gaar ii ah , jaaliyadii Somaliland ee dalka imaaraadka carabta ku nooli waxay ahaayeen dad wada shaqaynaya oo dalka iyo dadkaba u wada shaqaynaya mudadii aan joogayna si fiican ayey ii soo dhaweeyeen, waanan uga mahad celinayaa jaaliyada Somaliland?

Madaxweyne ku xigeenka Somaliland oo wax laga waydiiyey inuu safarkiisu ahaa mid cadho oo uu kaga tagay xukuumada iyo doorkii uu ku lahaa xukuumada oo aan mudooyinkii u danbeeyey muuqan ayaa waxa uu ku jawaabay ?wax cadho la yidhaa iyo wax dhibaato ahi ma jiraan safar shakhsi oo mid caafimaad iigu hoos laabnaa ayuu haa safarkaas aan ku tagay dalka imaaraadka carabta, wixii aan anigu qaranka ugu igmanahay waan qabtaa hawlahana dhankayga waan hayaa, kolayse madaxweynaha ayaa u igman hawsha inta badan sida uu qorayo distoorkeenu.?

Ugu danbayntiina madaxweyne ku xigeenka Somaliland oo wax laga weydiiyey kulan uu la qaatay gudoomiyaha baarlamaanka wadanka Niger ayaa waxa uu ku jawaabay ?wadan dhan isbiikarkiisa ayuu ahaa waanan la kulanay isaga oo ay wehelinayaan masuuliyada qunsuliyadoodii, waxaanu ka wada hadalnay sidii ay labada dalka isku baran lahaayeen, waxaanan isla garanay inaanu bilawno dardar cusub oo labada dalka ah waanan balanay inaan casuuno oo ay inoo yimaadaan, cida u baahan in la bartaana waa shacabka Somaliland oo 23-sanadood raadinayey ictiraaf? ayuu yidhi madaxweyne ku xigeenka Somaliland.

 

 

WAJAALE NEWS DESK

 

CONTACT US : Wajalenews@gmail.com

Exit mobile version