Hargreysa(WJN)-Xubno kamid ah Gudida Wadatashiga iyo Toosinta Qaranka ayaa, beeniyay in ay kulan layeesheen Madexweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud(Siilaanyo), iyo
Hargreysa(WJN)-Xubno kamid ah Gudida Wadatashiga iyo Toosinta Qaranka ayaa, beeniyay in ay kulan layeesheen Madexweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud(Siilaanyo), iyo Xukuumadaba taas oo la Sheegay qaar kamid ah Mareegaha Wararka lagu baahiyay Kulan la isku gacan saari gaadhey.
Sida uu Shabakada Wararka Wajaalenews u xaqiijiyay Siciid Xaaji Axmed Qulumbe oo katirsan Xubnaha Gudida Wadatashiga iyo Toosinta Qaranka ayaa Sheegay in
aanay waxba ka jirin habayraatee islamarkaana aanu sal iyo raad laheyn wararka Sheegaya in ay Xubnaha Gudidu la kulmeen Madexweyne Siilaanyo iyo Xukuumada taas oo ay ku sheegeen waxba kama Jiraan, islamarkaana ay wali sugayaan Balantii kulankaasi.
“Waa been waxbana kama Jiraan wararka Sheegaya in la Kulmey oo ay kulmeen Gudidii Wadatashiga iyo Toosinta Qaranka iyo Madexweynuhu waana warar been abuur ah sidii baana loo Sugayaa koleyna waxa ka hadli Doona Gudoomiyaha Gudida Mujaahid Xasan Guure Jaamac waxaan jirin in umada loo Sheego ma,aha”Ayuu yidhi Siciid Xaaji Axmed Qulumbe oo Wajaalenews wax ka Weydiisey in ay kulmeen Madexweynaha iyo inkale.
Kulanka Balantan ay ku balansan yihiin Madexweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud(Siilaanyo), iyo Golaha Wadatashiga iyo Toosinta Qaranka oo ay dhexdhexaadiyeen Gudi katirsan Salaadiinta Somaliland iyadoo habenadan dambe lahadalhayay in dhinaca Salaadiinta wax kadaba yimaadeen haseyeeshee inta uGu badan ee Bulshada Reer Somaliland ayaa siweyn ugu dhegtaagayaa kulankan iyo nuxurka ay iska arki doonaan Madexweynaha iyo Golaha Wadatashigu.
Wajaalenews Desk
Hargeisa Office