WAJAALE NEWS

Wasiirka Madaxtooyada somaliland Muxuu ka Yidhi Mashruuca GERG, ee Biyo Xidheenka Ethopia???

Shacabka iyo Dawlada reer Somaliland waxaa ka Go?an is barbar taaga Mashruuca Biyo Xidheenka ee GERD, iyagoo Fahamsan Mihiimada uu u leeyahay Xoojinta Dhaqaalaha iyo is Dhex -galka Bulshada…Waraysi Kooban: Jariidada ?WIC? ee ka so baxda Addis Ababa, Ethiopia

Wasiirka Madaxtooyada somaliland Muxuu ka Yidhi Mashruuca GERG, ee Biyo Xidheenka Ethopia???

 

Wasiirku wuxuu cadeeyey Mawqifka ka xukuumad ahaan ay ka taagan yihiin Biyo

XIdheenka Dhawaan laga suurto galinayo Ethoipia isago awooda saaraya dhinaca isku tiirsanaanta dhaqaale ee dalalka jaarka . waxanu yidhi

“Shacabka  iyo Dawlada reer Somaliland waxaa ka Go?an is barbar taaga Mashruuca Biyo Xidheenka ee GERD, iyagoo Fahamsan Mihiimada uu u leeyahay Xoojinta  Dhaqaalaha  iyo is Dhex -galka Bulshada”…Waraysi Kooban: Jariidada “WIC” ee ka so baxda  Addis Ababa, Ethiopi

 “Dalalka Jaarkeena  Kor U kaca Dhaqalahoogu wuxuu Saamayn Dadban ku leeyahay Kor U kaca Dhaqaalaheena”

 

“Waxaa Hubaal ah in Colaada dal kugu xiga ka aloosanta ay dalkaagana Saamayn Togan ama Taban kugu yeelato, sidoo kale kor u kaca dhaqaale iyo nabadeedna wuxuu wax wayn ka taraa dhaqaalahaaga, waa astaanta koobaad ee globalization -ka ama aduunku inuu yahay mid sal kaliya wada leh”

Si taas la mida ayaa dhawaan waxaa Dalka aan jaarka nahay ee Ethopia laga suuro galinayaa Mashruuc Biyo xidheen ah oo marka magaciisa la soo gaabiyo loo yaqaano “GERD” Grand Ethopian Renaissance Dam. Biyo xidheenkaas oo mustaqbalka noqon kara mid wax wayn ka tara baahida tamarta ee inta badan ragaadisa warshadaha laga suuro galiyo dalkeena. 

 

 ka Somaliland ahaan anagoo dareensan  Mihiimada Mashruucani  uu u leeyahay Xoojinta  Dhaqaalaha  iyo is Dhex -galka Bulshada waxaan  uugu deeqnay 1 Million oo Doolarka Maraykanka ah, taaso wax waynka tari doonta mashruucaas biyo xidheenka ah

 

Ka Dawlad ahaan waan soo Dhawaynaynaa Mashruucaas, waanan is barbar taagi doonaa ilaa inta uu ka dhamaanayo.

 

Wa Bilaahi Tawfiiq

 

Waraysiga uu wargeyska kasoo baxa ethipia la yeeshy wasiirka ka khri link ga hoose

http://waltainfo.com/index.php/explore/10045-the-people-of-somaliland-keen-to-back-gerd

WAJAALE NEWS DESK

Exit mobile version