WAJAALE NEWS

Masuuliyiintii Wasaarada Duulista Iyo Hawada,Maamulayaasha Shirkadaha Diyaaradaha Iyo Hay?adda Qaramada Midoobay Ee Duulimaadyada(ICAO) Oo Isla Meel Dhigay Wakhtiga La Bilaabayo Duulimaadyada Madaarka Hargeysa.

Hargeysa(Wajaale News)-shir ay iskugu yimaadeen masuuliyiinta wasaarada duulista,maamulayaasha diyaaradaha iyo khabiiro wasaarada ka caawiya dhinaca duulimaadyada ayaa isla meel dhigay wakhtiga iyo diyaaraduhu bilaabayaan duulimaadyada rasmiga ah ee loogu tala galay garoonka diyaardaha ee magaalada Hargeysa.

shir ay iskugu yimaadeen masuuliyiinta wasaarada duulista,maamulayaasha diyaaradaha iyo khabiiro wasaarada ka caawiya dhinaca duulimaadyada  ayaa isla meel dhigay wakhtiga iyo diyaaraduhu bilaabayaan duulimaadyada rasmiga ah ee loogu tala galay garoonka diyaardaha ee magaalada Hargeysa.
Ka dib markii uu kulankaasi dhamaaday ayaa waxa warbaahinta faah faahin ka siiyey waxyaalaha laga hadlay kulankaas gudoomiyaha shirkada diyaaradaha ee Daallo Airlines Muniir Abu Site  waxaanu sheegay In diyaaradaha ka duula garoonka Berbera ay u soo guuri doonaan garoonka Hargeysa
isla markaana loo baahan yahay wakhti lagu  diyaariyo  sidii diyaaradaha loogu war gelin lahaa inay u soo wareegaan madaarka Hargeysa.
Gudoomiyaha shirkada diyaaradaha ee Daallo Airlines waxa kale oo uu sheegay  in sharci caalamiyi dhigayo in la bixiyo ogaysiis la siinayo diyaaradaha si ay  ugu soo diyaar garoobaan taas oo ay isla af garteen wasaarada duulista iyo hay?adda duulimaadyada u qaabilsan qaramada midoobay ee ICAO, isaga oo tilmaamay  in mudo laba todobaad ah la siiyo diyaaradaha si ay duulimaadyadan u bilaabaan.
Gudoomiyaha shirkada Daallo Airline waxa uu bulshada ugu baaqay inay u samraan mudada ay diyaaraduhu ugu diyaar garoobayaan inay bilaabaan duulimaadyada madaarka Hargeysa.
Sidoo kale  agaasimaha duulimaadyada ee wasaarada duulista iyo hawada Somaliland Siciid Mahdi Ileeye(Siciid Saqiiro) oo isaguna ka hadlay kulankan sadex geesoodka ah ayaa waxa uu sheegay inay diyaaraduhu mudo kooban ku diyaar garoobayaan sidii ay u bilaabi lahaayeen duulimaadyada madaarka caasimada Hargeysa.

Wariye: AbdiQadir AbdiRaxmaan Habane

Wajaale News

Hargaisa /Somaliland

Exit mobile version