laguna beddelay kuwo aan qaarkood laheyn aqoonta hawsha loo dhiibay, isla markaana loogu sii daray madaxbannaani aanay wax kontrool
Akhristayaal, intiinii la socotay qaybtii kowaad ee qormada cinwaankeedu kor ku xusan yahay oo ka warramaysay waxyaabaha u qabsoomay dawladda hoose ee caasimadda Hargeysa, gaar ahaan dhinaca maamulka arrimaha dhulka muddadii ay xilka hayeen golaha degaanka ee dhowaan la doortay.
Qormadii labaad waxa aynnu qaddar yara milicsannaynaa horumarka muuqda ee dhawrkii bilood ee u dambeeyey laga gaadhay arrimaha dhulka caasimadda oo aad u murugsanaa ka hor golaha cusub, innagoo tilmaamo ka bixinayna burburkii ku dhacay maamulka dhulka markii ay soo dhowaatey muddadii xil-haynta golihii hore ee degaanka.
Haddaba, golahan dhallinyarada u badan ee hadda xilka hayaa waxay soo celiyeen awooddii shaqo ee uu lahaa joomitirku, waxaaney ku guubaabiyeen in aan la qasbi Karin, loona awood sheegan karin, balse nin walba lagula xisaabtami doono aqoonta iyo waddaniyadda uu muujiyo, waxana maamul ahaan la hoos geeyey agaasinka waaxda dhulka.
Tallaabadaasi waxa ay firfircooni ku abuurtey shaqaalihii dhulka dawladda hoose ee caasimadda oo dhan, waana mid dadweynaha reer Hargeysa ku bogaadinayaan masuuliyiinta cusub.
Nabarada kale ee arxan-darrada ah ee in lala dhayo u baahan golaha degaanka ee Hargeysa iyo mas´uuliyiinta dhulka waxa ka mid ah, biyo-mareennada caasimadda oo badankoodii la dhisay iyo jidad badan oo xaafadaha dhex mari jirey oo qaarna la gooyey kuwo kalena la yareeyey, taas oo sababta xilliyada roobabku da´yaan in marin-habow ku dhaco biyaha oo daadad xooggani jiidhaan meelo la deggan yahay.
Waxa kale oo aan indhaha laga qarsan karin qaabka goonni-goonnida ah ee loo qorsheeyey dhulkii beeraha ahaa ee magaaladu gaadhey, iyadoo oo aanay labada beerood ee isku xigaa lahayn xidhiidh qorshe, sidoo kalena ku xidhnayn waddooyinkii jiray ee ka soo baxayey caasimadda.
Waxa shaqsiyaad loo sharciyeeyey goobaha astaanta u ah magaalada ee degsiimadu ka reebban tahay, sida buuraha caanka ah ee Sheedaha, Naasa-hablood iyo buuraha dushooda oo keyd u ahaan jiray, wayaabaha dadka ka dhexeeya sida difaaca cirka, keydka qarsoon ee ciidammada iyo berkedaha biyaha ee mustaqbalka. La soco qaybo kale?..