WAJAALE NEWS

Komishanka Doorashooyinka Somaliland oo ku dhawaaqay in Bisha September si rasmi ah u bilaamayso Diwaangalinta Codbixiyaasha

HARGEISA(Wajaalenews);Af-hayeenka Komishanka Doorashooyinka ee Somaliland Md. Maxamed Xirsi Geele ayaa ku dhawaaqay in Bisha September ee sanadkan si rasmi ah ay u bilaamidoonto Diwaangalinta Codbixiyaasha Somaliland, waxaanu tilmaamay in bishan Afraad ay galayaan Qorista shaqaalaha iyo keenista Agaabka lagu galayo Diwaangalinta Codbixiyaahsa, waxaanu Xusay in ay Komishanku qaateen Nin khabiira ah  oo isku dubarida hawlaha Qandaraas bixinta iyo keenida Qalabka.

Sidaasi waxa uu ku sheegay mar uu maanta u warbaahinta lahadlayay.

Af-hayeenka Komishanka Doorashooyinka oo ugu horeyn ka hadlayey  halka ay u marayso  hawlaha diwaangalinta Codbixiyaasha waxa uu yidhi. “Hawsha Diwaangalintu waa Hawl muhiim ah, mudana waanu ku mashquulsaneyn, runtii heerar kala duwan yey soo martay ka hadalka Diwaangalintu waxa jirtay mar aan Ra’yigaba aan laysku waafaqsaneyn, waxa kale oo jirtay mar dhaqaalaheedu laalnaa oo meel loogu hagaago aanay jirin, laakiin imika hawlihii oo dhami way soo dhammaadeen.”Ayuu yidhi.

Intaasi waxa uu raaciyey “Runtii halkan waxaanu kula kulanay dhaqaale bixiyaashii oo dhan, waxayna noo sheegen war farxad leh oo ah in ay diyaar u yihiin hawlgalka diwaangalinta cod bixiya ah, Imikana waxaanu qoranay Nin khabiir ah oo isku dubaridi doona  mashruucaasi oo waxaanu  ka shaqeeyn doona Baahinta Qandaraasadka iyo qalabka sidii loo keeni lahaa, kolkaa si fiican ayey noogu socota waxaanu rajeynaynaa in ay bilaamanto uun in aanu dadka ku nidhahno soo dareera bisha September haddii illahay yidhado, intaa ka horeysana waxaanu ka shaqeyndoona Qorida shaqaalaha iyo qalab keenida.”Ayuu yidhi.

Xisbiyada  Mucaaridku iyo Shacabka Somaliland waxay cabsi ka qabaan in ay dib u dhacdo Doorashooyinku  marka idinka Cabsi intee leeg ayey idinku haysaa in ay Dib u dhac idinku yimaado. “Doorashooyinka Waxa dib u dhigi kara Labba Arimood Midi waa Cilad farsamo oo timaada sida Diwaangalinta oo wakhtigeeda inaagu qabsoomiwayda ama Waa mid Siyaasadeed oo ah raabitaan cid gaar ahi aanay doonayn in ay doorasho dhacdo, marka Afrika waxaynu aragnaa Dawlado inta ay kursiga ku dhagaan loogu taagwayo in Doorasho la qabto, waxa kale oo aynu Maqalnaa Dad Mucaarid ah oo ka maaga indoorasho la qabto oo yidhada Dawlada ku shubanaysa oo qaadaca Doorashada, nasiib wanaag Somaliland labbada Xaladood midna ma jiraan, xagga Dawlada waxa cago jiid ah oo ka muuqada ma jirto, ama rabbitaan ay doonayaan in iskood ay u kordhistaan ma jirto waxad ka gartaa sida waxa loo qabanayo, run ahaantii waxa allaale iyo wixii xukumada nagag xidhma markaba way noo dhameysaa, dhaqaalihii way diyaariyeen oo miisaniyadii ayey ku jirtaa, mucaaridkeenuna iyaga ugu fadalo cad in ay doorashado shacdo cid ka maageysaa ma jirto, marka dhammaan siyaasiyiinta waxanu ka codsanaynaa in aanay jawigaasi fiican inaga kharibin.”Ayuu yidhi.

WAJAALENEWS DESK

HARGEISA OFFICE

EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM

Exit mobile version