WAJAALE NEWS

Gudiga Qaban Qaabada dhismaha Library-ga Qaran oo baaq u diray dhamaan Shacabka Reer Somaliland Dibad Iyo Guddaba

Hargaisa(Wajaale News)-Munaasibad afur ah oo lagu qabtay Hotel Sumer Time ee Magaalada Hargeysa oo ay  ka soo qayb galeen Wasiirka Wasaarada Qorshaynta Qaranka Masuuliyiinta Gacanta ku Haysa Hawsha Librar-ga dhismihiisa iyo marti sharaf kale.

Wasiirka Qorshaynta Qaranka Sacad Cali Shire oo  ka mid ah Gudiga Cacanta ku haysa  Dhismaha Rugta buugaagta Qaranka Somaliland oo  halkaasi ka soo jeediyey Khudbad dhinacyo badan taabanaysa ayaa ku dheeraaday qiimaha uu librarygu leeyahay isagoo tusaalooyin u soo qaatay siday Wadamada Hore umaray u isticmaalaan waxaanu yidhi

“librarigu waxa la odhan karaa waa meesha kaliya ee inta aad gasho aad ka soo baxdo adoo ka cilmi badan markii aad gashay, dadka caalamku iyagoo qiraya qiimaha uu laabareeri-gu lee yahay ayaa waxay laabareeri ka sameeyeen ama rug buugaag ah Goob kasta oo wax lagu barto iyo goob kasta oo lagu nool yahay dugsiyada hoose iyo sare ilaa Jaamacada Magaalo hadii ay tahay magaalo iyo tuuloba waa wax caalamka runtii ka wada dhexeeya ee aad meel walba ku arkayso”

Wasiirka oo hadalkii sii wata ayaa waxa uu yidhi “anigu xaafada aan kaga noolahay ingiriiska waxaan ka tiriyey ilaa 12 laabareeri oo laba ka mid ahi yihiin kuwa basaska ah ee wareega, waxaana ku nool 280 kun oo qof qiyaastii, Hargeysa oo ay ku nool yihiin 800 oo kun ilaa hal milyan ma liyin laybareeri Qaran way jiraan kuwo yar yari, runtii laabareeri la’aantaa waxaad odhan kartaa waa aafo Qaran, laakiin ilaahay wuxuu waa fajiyey niman dhalin yaro ah inay arintaa wax ka qabtaana u kacay oo u baahan in la garab galo yar iyo weynba ka dalka jooga iyo ka qurbaha joogaaba”.

Dhanka kale Wasiirka Qorshaynta Qaranka Somaliland wuxuu ku dheeraaday baahida ay u qabaan da’yarta reer Somaliland Dhismaha library-ga Qaranka “Baahida aynu laabareeriga u qabnaa Somaaliland ahaan way ka sii wayn tahay ta ay dadka kale u qabaan oo caruurteena iskuulada ku jirtaa qol ay wax ku aqristaan intooda badan ma haystaan taasina waa sababta ay Masaajidada wax ugu aqristaan intii wax aqris doonaysa ama inay gidaarada istaag taagaan, meel ay fadhiistaan oo ay ku kulmaan waxna ku bartaan bana jirinba, laabareerigu waa xalkii mushaakil kaa dhalin yarada haysta waa meel ay fadhiisan karaan oo ku dhamaysan karaan Home workii loo soo diray duruus tooda iyo ku tubta laabareegiga taala ku aqrisan karaan wax badana ka siyaad san karaan cilmi ahaan. cid kasta oo gacan ka gaysata laabareerigaa dhismihiisa iyo maamulkiisa waxa uu xaga ilaahay ka kasbanayaa xasanaad iyo ajar, markaa waxaan ku boorinayaa intiina joogta iyo inta maqanba meelkasta oo ay joogaan inay u hagar baxaa laabareeriyga oo ay gacan ka gaystaan”.

Dhanka kale waxa halkaasi ka hadlay Gudoomiyaha Gudiga gacanta ku haysa qaban qaabada library-ga Qaran Axmed Daahir Cilmi oo ku dheeraaday maraxaladii uu la soo maray intii uu ku jiray Qaban qaabada iyo hindisa laybareerigan isagoo xusay inuu hasha soo bibaabay mudo laga joogo ilaa 7 biloo  ka hore ilaa waqtigaana uu wada hada hawshu ay sifiican u socoto waxa kale oo baaq u dira umada Reer Somaliland inay ka qayb qaataan dhismaha library-ga Qaran cid waliba wixii ay ku tari karto.

Waxa kale oo halkaasi ka hadlay Xoghayaha Gudigaasi Salma Candiraxmaan sheekh oo sharaxaad ka bixisay libarary-yada ugu waayeyn ee aduunka iyo muhiima ay u leeyihiin wadan walba iyadoo bar bar dhigaysa wadanka Somaliland oo hada la aas aasayo Rugtii u noqon lahayd Rug Qaran oo la mida kuwa aduunka ee sida aad ka loo qiimeeyo waxayna intaasi ku dartay inay naqshadii loo dhisilahaa ay diyaar tahay balse umada reer Somaliland looga fadhiyo sidii ay uga dhigi lahaayeen mid qiima badan oo udhigm kuwa caalamka, Rugtan ayaa hindise heedu noqonayaa markii ugu horeysay mid noo ceeda Somaliland.

 

 

Wajaale News /Hargaisa  Office

Wariye : CabdiQadir CabdiRaxmaan Habane

Exit mobile version