WAJAALE NEWS

Madaxwaynihii Hore Ee Maamul Goboleedka Gal-mudug Oo Casuumad Balaadhan Loogu Sameeyay Duleedka Magaalada Hargaysa.

HARGAYSA(W,N)-madaxweynihii hore ee maamul goboleedka Galmudug Axmed Ducaale Geelle ‘Xaaf’  ee dhawaan xilka maamul goboleedka galmudug wareejiyay oo maalmihii udanbeeyay ku suganaa caasimada Somaliland ee hargaysa ayaa casuumad soo dhawayn ah loogu sameeyay duleedka koonfureed ee magaalada hargaysa kaasi oo si gobonimo leh   loogu marti sooray duleedka caasimadda  Hargeysa.

Casuumad lagu qaabiley madaxwaynihii hore  ee maamul goboleedka galmudug ayaa waxaa soo qab qaabiyay qaarkamid ah ganacsatada reer somaliland oo mudo dheer xidhiidh ganacsi ka dhexeeyay ex madaxwayne xaaf kuwaasi oo uu qaarkood soo gacan qabtay dhinaca ganacsiga islamarkaana uu ku lahaa abaal wayn isagoo madaxwayne xaaf mudo dheer kusoo dhex jiray ganacsiga soomalida.

Madaxwaynihii hore ee maamul goboleedka Galmudug oo isaga ah oday soomaliyeed islamarkaana mudadii uu haya xilka maamul goboleedka galmudug somaliya ahaa shakhsiyaadka aan lagu arag arimaha Somaliland oo uu faro galinayo kana duwanaa fikirka ay qabaan badi madaxda somaliya ee ku aadan madaxbanaanida Somaliland.

Ex Madaxwayne Xaaf ayaa soo dhawayn qiimo leh kala kulmay shacabka Somaliland iyo xukuumadooda isagoo si caadiya isaga degan Somaliland maadama hawlaha uu uyimid ay yihiin kuwo shakhsi ah oo aan wax xidhiidh ah lala hayn siyaasad.

WAJAALENEWS DESK

HARGAYSA OFFICE

 

Exit mobile version