WAJAALE NEWS

Caynaan Fardood Laguma Karo Caalin Taw Yidhi. Qalinkii Hamud Duale!

Caynaan Fardood Laguma Karo Caalin Taw Yidhi. Qalinkii Hamud Duale!

 

War jiraaba cakaaruu iman Labadan booqasho midi waa gabi dhaclayn iyo maxaa luray naftaydii(Qaybtii koobaad.)……….

Dhaaxaad ladnaydood

sidaad aar libaax tahay,

talaabada ladhadheysey,

waadiganse liitee,

leexadu ku sidatee

hadba laan cuskanayee,

liibaanteed adduunyada,

ruuxna laasan maayee,

maxaa luray naftaadii.”

Wasiirkii hore ee arrimaha dibada iyo iskaashiga Caalamiga , oo loo tudhay, haddanu ka abaal ka dhacayn, haatana ah wasiirka ganacsiga iyo maalgashiga oo uu ku ladhan xildhibaan Haybe oo u dudaya madaxtooyada, ayaa booqasho ku tagey gebiley, siday warbaahintu tabeneyso, dhawaan.

Waxaa hortood booqasho ku gala bixiyey gobolka, Guddoomiye ku xigeenkii hore ee golaha wakiilada, ee codkii dadweynaha ku wacad furay, haatana ah wasiirka maaliyada, oo madaxtooyadu u qoondaysay in Muuse Biixi lagu bedelo oo uu weheliyo xildhibaan Blaki.

Waa yaab! Dad is wada yaqaan, haddana isku duur xulaya. Waa adduunyo gaddoon. Gebiley dhaqan iyo hiddo u malaha isku tar sheegasho, maxaa keenay in la isku ganbadh dhigto? Golahooda deegaanka waa muraayad laga daawan karo in aan tiro iyo tayo la isku faani Karin. Waa wajahad ka tarjumeysa, waayo aragnimadii ay ka heleen tacabka iyo qodaalnimada.

Labadaa booqasho dhexdooda buukaa buuka wareentay oo gobolka gebiley baa la kala safatay, si aan caadi ahayn oo aan hore looga baran.

War jiraaba cakaaluu imman, Labadan booqasho, midi waa gabi dhaclayn iyo maxaa “luray naftaydii, xilkii arrimaha dibada, maxaa la iiga wareeje iyo qaadan waa”, sidaa daraadeed, ka raboo difaaca, ka diidoona yeelkaa. Kolayba aniga xagayga waa dameer iyo labadiisi daan. isma darajo dhaammaan.

Midna waa xigsiisan iyo dumaal ruux loogu ballan qaaday oo dhabarka laga taabtay, iyada oo aan la ogeyn cid arroosan doonta geenyada, hadba kooxi ku qadhaabato, ee ictiraaf la’aanta loogu galmoodo. Kaas oo dad badani ugu heesayaan: “ismoog dhigihii aslaysa, ismana oga. Ismoog dhigihiibay aslaysaa isamana og, yaa u sheega alla yaa ogeysiiya, yaa u sheeg, arooskeen geleyno, aqalkaan dhisayno, yaa u sheega.” Ka raboo difaacaa, ka diidoona yeelkaa. Kolayba xagayga waa dameer iyo labadiisii daan. Isma darajo dhaammaan.

Waxa Ummadda ka dhexeeya laguma kaayaysan karo. Haddiise lagu kaayaysanaayo habrahu kalkoodii wuu dhammaadee, oo way soo wada mareene, Oday ha loo dhiibo. Miyaanay baarqab kaalin gala lahayn, sida Samaale, mise dhabarka ayaan laga dhirbaaxin.

Afkii beenta yaqiin ma hadduu runta baranayaa, taraftoornimadii miyay isa soo gabtay. Wasiir dantiisa gaabani wadaa, Agbar buu ku danbayn iyo tolaay aabbahay goblan iyo shir beleed. Waxaase aad uga liita, wasiir ka dideya shir beeleed, oo aayado quraan ah u daliishanaya, isga oo og in aanu waxba ka duwaneyn shirarkii beelaha kale. Kuwii hore ugu qabsoomay, Gar adag, Daalo, Dubur, gaaroodi, Awadal, Sool, iyo qaar kale oo badan oo heer jilib ah.

Anigu shirarka beelaha midna baalo gaare kuma ih, midna xaaraantinimayn maayo, midna xalaalayn maayo; taasi waa xasarad iyo xag marqid iyo xag maalid, afarta naas ee hasha madax banaanida u abasaxaysa, haddana abeerka ah.

Xaashee ma gayo in aan kala xukumo beelaha Geeska Afrika ee isku heesaaya, ee buunbuuniya waxay ku kala duwan yihiin; ee Ilaahay tusi waayey waxay ka midaysan yihiin ee ay wadaagaan.

Horaa duco la iigala quustay, oo waa la iigu tag waayey in aan beel gaar, u damqado, beelna gaar ahna jidh diido, jilibna daa hadalkiisa, dan iyo muraad toona kama lihi. Kuwaa taa ku daaqana, doodi nagama dhaxayso, maxaa wac haddii aanu isku beel nahay iyo haddaanu kala beel nahayba, aragtidoodu waa maso, wax ma kala duwana.

Waxaan aaminsanahay in ay dhammaantood qaranimada wiiqayaan oo nin dan lihi ku xoogsado, islamarkaana waxaan aaminsanahay in ay dawlad malcuun ah oo maamul xun, tan iyo kuwii ka horeeyeyba, si dadban ugu adeegayaan oo ay u fududaynayaan aragtida gabta ah, ee qaybi oo xukun. Waxaa aaminsanahay in ay beelo isu deegaan ah oo isku gobol ah, oo isku dan ah, abnimo ku kala gurayaan. In taasi waa aniga iyo dan iska sheegayga.

Haddiise aan danayn lahaa shir ku salaysan dan deegaan, oo beelaha wada degan, qaarkood abnimo lagu deyrineyn amma la I weydiin lahaa talo ku saabsan shir beeleedka ka socda, iyo shir beeleedyadii, kan ka horeeyeyba ee aan kor ku xusay, waxaan ku doodi lahaa, sidii timacadde:“Dugsi ma leh qabyaaladi waxay dumiso mooyaane”.

Waxaan ku sii daba tixi lahaa, tixdii Gaariye ee ahayd:

“Uf anaa idhi qabiilka.

Wuxuun baa ku adeegta

nin iskii kartidii isu taagi kareen

oo u haysta ateero laga hoos galo eeda”.

Intaa kumaan joogeene, waxaan daba dhigi lahaa murtidii Xaaji Adan Af-qalooc ee ahayd:

“Adiga oo tuur leh tooxdin iyo qaalo,

tu kaleeto in aad toosisaa waa tu aan jirin.”.

Weliba waxaan ku sii ladhi lahaa murtiyihii madhaafanka ahaa, ee Faarax Oomaar. Nin rag ahi wuu garanayaa, danayste iyo doqona, ma rabo in aan ogeysiiyo.

Waxaa kale oo aan ku doodi lahaa, sidii Cabdi Muxamed Amiin oo aannu isku ree Arabsiyood ahayn:

”Nin dantiisa gaabani wadaa dood ma uu gayo”, iyo weliba: “Nin qabiil gargaarsadey meela gaadhi maayee, gobonimo nin doonayna guul baa u danbaysee.”

Waxaan shad iyo med saari lahaa murtidii Abwaankii Xasan sheikh Muumin ee ahayd:

“Dhabihii la soo maray nimaan raadkii

dib u dheehan, oo aan dheer ku marin

meeriskii dhiman in uu buuxsho,

dhereg waa ka xaaraan dhallaankiisu mahadshaa.

Gobanimoo, waxaad gashiyo, waxaad gudaba, garanay oo ruugney, gobanomoo”.

Waxaan cuskan lahaa xikmadii- ma hubo in uu Cali Dhuux ahaa iyo in Adan Carab ahaa- midkoodba, markuu ka yaabay danaystayaasha siyaasada, ee ahayd: “Bal maxuu macneeyuu I taray ministarkaan doortay.”

Waxaan siiraacin lahaa, oo aan tix ka soo qabsan lahaa maansadii deeylada ee Yusuf Xaaji Adan Askari: “Dan yaree iskaashada, dadweynow xisaabtama.”

Waxaan ku xidhi lahaa doodayda, oo aan ku soo gabagabayn lahaa, tixdii saxardiid (jebiye) ee ahayd: “Eedaafkii soo mari ummul baa ilawdee, allaw sahal ammuuraha adigaa aqoon leh.”

Waxba Ayaan qalinkaa ila taraarine, aan ku soo rogaal celiyo booygaan shineynaanayey, iyo ujeedadii aan ka lahaa maqaalkan.

Gobolka Gebiley kuma cusba xildoon iyo qof ka soo jeeda gobolka oo xil laga meeriyey, laakiin waxaa ku cusub qof xildoon ah iyo qof xil laga mareeyey oo kula soo galgasha danihiisa gaarka awgeed dadweynaha gobolka, kala guris qabiil gardarada sokeeyaha, Meeyar iyo guddoomiye gobol oo la kala safta.

Intay dawladda KULMIYE jirteyba, waxaa xilka laga wareejey Nuux Taani Taliyihii ciidanka qaranka. Deyro deero ma hirdiyin, cidi lamay dudin, isna gobolka kulama soo galgalan waayihiisa gaarka ah.

Qaybtii koobaad.

Exit mobile version