HARGEISA(WAJAALENEWS);;Max’ed Xaaji Ibrahim Cigaal wuxuu ku dhashay magaalada Oodweyne ee gobolka daad madheedh 15kii bsihii August sanadkii 1928dii,
Max’ed Xaaji Ibrahim Cigaal waxaa uu ahaa hoggaamiyihii ururkii xornimadoonka ee waqooyiga Soomaaliya ee SYC, wuxuuna madaxka ahaa dhaqdhaqaaqyadii dhinaca siyaasadda ee ka soconayay halkaasi dabayaaqadii sanadihii 1959kii – 1960kii, wuxuu gacan weyn ka helay hogaamiyaashii ururkii la odhan jiray xisbulaahi ee lagu aasaasay magaalada laan-mulaaxo ee gobolka daad- madheedh oodweyne,
26kii bishii June, sanadkii 1960kii markii ay madaxbannaanida ka heshay Somaliland gumaystihii ingiriiska oo markaas la odhan jiray British Somaliland,Max’ed Xaaji Ibrahim Cigaal wuxuu ka mid ahaa hoggaamiyeyaashii Soomaalida ee seeska ka u dhigay midowgii labadii gobol ee ay kala gumeysanayeen dalalka Ingiriiska & Talyaaniga & dhismihii dalka Jamhuuriyadda Soomaaliya.
Midnimadii labadii gobol ee jamhuuriyadda Soomaaliya ka dib waxaa dowladdii madaxweyne Aaden Cabdulle Cusmaan loo magacaabay Max’ed Xaaji Ibrahim Cigaal xilalka kala ah;-
1.Wasiirka difaaca 1960kii-1962dii,
2.Wasiirkii Waxbarashada 1962dii-1963,
3.Ra’iisul wasaarihii madaxweyne C/rashiid Cali Sharmaarke ee 1967dii-1969kii.
Dilkii la dilay madaxweyne C/rashiid Cali Sharmaarke isla markaana uu MD. Max’ed Xaaji Ibrahim Cigaal ra’iisul wasaaraha ka ahaa ka dib markii uu dalka si degdeg ah ugu soo laabtay waxaa lagu xukumay xabsi guri, ka dib markii ay talada dalka afgembi aan dhiig ku daadan kula wareegeen ciidamadii qalabka sida ee Soomaaliya ee uu hoggaaminayay Max’ed Siyaad Barre.
Intii u dhaxeysay 1976dii-1978dii wuxuu ahaa danjirihii dowladii Soomaaliya u fadhiyi jiray dalka Hindiya, waqtigaas wixii ka dambeeyay intii ay talada dalka la wareegeen ciidamadii Soomaaliya muddo 2 jeer ah ayaa xabsiga loo taxaabay.
Ka dib markii la riday xukuumaddii uu madaxda ka ahaa madaxweyne Max’ed Siyaad Barre 26kii bishii January sanadkii 1991dii, wuxuu Max’ed Xaaji Ibrahim Cigaal kamid ahaa siyaasiyiintii waday shirarkii dib u heshiisiinta ee lagu qabtay magaalada Djibouti ee dalka Jibouti oo mar kale lagu soo doortay madaxweyne Cali Mahdi Max’ed iyo raysal wasaare cumar carte qaalib,
16kii bishii May sanadkii 1993dii waxaa Max’ed Xaaji Ibrahim Cigaal loo doortay in uu hoggaamiyo dowlada Somaliland, wuxuuna ku guuleystay in uu hubka ka dhigo maleeshiyadii qabaa’ilka ku dhaqan gobollada dalka Somaliland,
wuxuu la kowsaday khilaafkii siyaasadeed ee dhex yaalay ururkii SNM ee dalka xoreeyay kaas oo caqabad ku noqday xukuumadii ka horeysay ee madaxweyne c/raxmaan axmed cali “tuur”.
wuxuu dagaal uu dhiig fara badani ku daatay la galay beel kamida beelaha dalka dega oo siyaasiyan taageeray fikirkii federaalka ee uu qaatay madaxweynihii ugu horeeyay Somaliland MD; C/raxmaan axmed cali “tuur”, iyadoo dagaalkii ka dhacay magaalada hargeysa ee ka soo bilaabmay airpot-ka 1995kii uu markale jilba dhigay magaalada burco kaas oo dhamaaday dabayaaqadii 1997dii dagaalkaas oo uu u bixiyay maxamed xaaji ibraahin cigaal mar idaacada BBC du waraysatay (mashruuc) dhinacayaga waxa looga yaqaan mashruuc waayo qolyaa anaga lacag nagaga urursada dhinaca kalena dibedaha ayay qaar kale lacag kaga urursadaan markaas waxaanu anagu u naqaan mashruuc! hadalkaas oo ilaahay SWT uu daawo uga dhigay dhibaatadii taalay oo qolo waliba dhinaceeda is weydiisay waar maxaynu ku dagaalamaynaa ee inaga maqan!,
Sidoo kale wuxuu ku guuleystay in lacag gaar ah u sameeyo ama u soo daabaco dowlada Somaliland & Passport aan weli caalamka wax aqoonsi ah ka helin intii uu noolaa & calan ka duwan kii ay sameysatay Somaliland ka dib markii ay ka go’een Soomaaliya inteeda kale.
Cigaal waxa uu seeska u dhigay qaranka Somaliland ilaa uu ka sameeyay hay adihii dowladi yeelan lahayd sida wasaarado shaqaynaya, baarlamaan dastuur loo codeeyay maxkamadihii iyo garsoorkii ciidamadii qalabka siday sida mulatari,boolis, nabadsugid, iyo ciidanka ayjeesha ee maxaabiista ilaaliya,
Wuxuu aas aas u noqday hanaanka xisbiyada badan inuu dalka ka hirgalo isaga oo markaas sameeyay xisbigii UDUB 2002dii oo uu hogaamiye ka ahaa
Max’ed Xaaji Ibrahim Cigaal wuxuu ku geeriyooday magaalada Pretoria ee dalka South Africa taariikhdu markii ay aheyd 03dii bishii May sanadkii 2002da,
Cigaal waxaa lagu aasay magaalada Berbera ee gobolka saaxil, waxaana la sheegay in ay aaskiisu ka soo qeybgaleen dad tiradooda lagu qiyaasay 3.000 oo ruux, waxaana xilkii uu ka geeriyooday buuxiyay madaxweyne Daahir Riyaalle Kaahin oo ahaa madaxweyne kuxigeenkiisii,
madaxweyne maxamed xaaji ibraahim cigaal waxaa loogu magacdaray Airport-ka magaalada hargeysa IHN,
maxaa lagu xasuusan karaa
1- siyaasi hal abuurleh, aftahanimo leh, hibona u leh siyaasada waayo wuxuu uga nasiib batay kuwii SNM ahaa ee dalka xoreeyay,
2- qaranka Somaliland oo uu dhismihiisa lahaa oo laga dhaxlay,
3- nidaamka xisbiyada badan oo uu seeska u dhigay,
waana aabaha dowladnimada Somaliland
Aadan Axmed Nuur